Sucuudiga oo kansalay kulan rasmi ah oo uu la yeelan lahaa Israel kaddib markii ay ka xanaaqeen fal ka yimid isla Israel

0

(Riyaad) 05 Dis 2020 – Dhaxal-sugaha Sucuudiga, Mohammad Bin Salman, ayaa baabi’iyey kulan uu la yeelan lahaa sarkaal sare oo Israeli official ah, kaddib markii saxaafadda loo dusiyey kulan qarsoodi ahaa oo uu la qaatay RW Benjamin Netanyahu kaasoo todobaadkii tegey si dhuumaalaysi ah ku tegey magaalada Neom ee Sucuudiga.

Sida lagu qoray Arab48, kansalidda kulankan ayaa waxaa u sabab ah sir qarin la’aanta kulankii hore ee ay yeesheen Netanyahu, Bin Salman, Wasiir Dibadeedka Mike Pompeo iyo Madaxa Mossad, Yossi Cohen.

Waxaa si qarsoodi ah la isula gartay in la caadiyeeyo xiriirka Yuhuudda iyo Sucuudiga mustaqbalka dhow, yeelkeede, Wasiirka Aqoonta, Yoav Galant, oo xubin ka ah Golaha Amaanka Maamulka Netanyahu kana tirsan xisbigiisa Likud, ayaa kulankan si kas ah saxaafadda ugu dusiyey.

Wuxuuna u sheegay Idaacadda Ciidanka ee Army Radio: “in uu kulankani dhacay, isla markaana uu yahay mid muhim ah.”

Ha yeeshee, Wasiir Dibadeedka Sucuudiga, Amiir Faisal Bin Farhan Al Saudi, ayaa beeniyey jiritaanka kulankan, isagoo sheegay inay kaliya la kulmeen madax Maraykan ah.

Sucuudiga ayaa dareensan in kulankaa si kas ah loogu ceebeeyey amaba haddii si kale loo yiraahdo lagu rakaateeyey, maadaama ay iyagu woxoogaa dib uga degeen inay Israel la heshiiyaan si ka duwan Imaaraadka iyo Baxrayn oo qaab qoor qabad ah kula heshiiyey.

Hadalsame Media

Facebook Comments