FALANQAYN: Maxaa dhacaya marka aad MADAXNIMADA ku raadiso MAGAC & MAAL uun?

0

(Hadalsame) 05 Dis 2020 – Haddaad xukun u doonato inaad lacag ama magac ku heshid, waxqabadkaagu labadaas ma dhaafayo. Go’aamadaada oo dhan labadaas ayey ku soo ururayaan. Laakiin labadaas lagama dhergo.

Haddaad laakiin ogtahay in ilmaha hooyadiis dhabarka ku siddo oo xero qaxooti kula jirto, ama doon tahriibaysa dusheed ku nuujinaysa ay adiga ku sugayaan, haddaad ogtahay in dhallinyarada xabsiyada Carabta iyo Afrika ku jirta ay habeen walba kaa sugayaan gacan, haddaad ogtahay go’aan aad maanta qaadatay in dad Soomaaliyeed 30 sano ka dib ku nasan doonaan, waqti uma helaysid lacag iyo magac doonasho. Weliba intaas haddaad garato oo ka shaqayso, iyadaa magac iyo nolol fiican kuu keenaysa. Nolol waxaa ugu macaan adigoon eed laguu haysan oo deggen guri aad xalaal ka dhisatay ilamahaaguna xalaal kuu cunayaan.

Waxaa iskuullada iyo masaajidda nalooku sheegay in wiilkii Asxaabul Ukhduud ee la dili waayey uu isagu u sheegay boqorkii sidii loo dili lahaa. Sidii uu sheegay in lagu dilay. Laakiin farriintiisii ay sidaas ku gaartay dadkii ka dambeeyey. Boqorkii dadkii Ilaahay rumeeyey ayuu laayey.

Haddana kolley boqorkii waa dhintay. Willkii, dadkii iyo boqorkiiba waqti yar gudahood aakhiray isugu tageen. Maanta haddii naaloo sheego inta ay kala dambeeyeen micne nooma samaynayso oo isku maalin oo kale ayey noo tahay.

Haddii wiilku sii noolaan lahaa kolley dadkaas iyo boqorkaas wax badan kama nolol dambeeyeen. Madaxdeennu ha waraysteen odayaasha hadda nool oo 60aadkii iyo 70aadkii waddanka ka talin jirey.

Kuwaan ku xamayneyney inay dhawr sano ka hor malaayiin dhaceen maanta waa kuwaas kurisga ku soo socda oo waxay qaateen kuma filnaan kumana nasan. Xanuunka iyo gaajada haysa waxaa laga yaabaa inaanay hayn dadka noogu faqiirsan oo Ilaahay siiyey iimaanka iyo qanaacada. Wallaahi inaadan dhegreyn oo waxad dhacdo harraad iyo gaajo keliya ayey kuu sii kordhinayaan.

Sharaf ka tag oo hankaagu ha dhaafo hunguri

Annagaa jecel inaan weligeen ku xasuusanno oo kuu ducayno. Na tus inaad tahay qof ummadeed oo aan xanaaq hoose iyo dano shakhsi ah ku wareegin. Maanta waxaad haystaan fursad aan idin soo mari doonin oo aad, ugu yaraan, madaxda idinka dambaysa ku tusi kartaan sida wanaagsan ee dadka loo maamulo.

Maalinta aad xukunka ka degtaan, waad ka degi doontaane, ha noqoto maalin aadan ciil qabin, oo aan eed la idiin haysan. Maalin masuuliyad iyo culays aad dareemayseen idinka degeen.

Maalin aad nasataan oo faraxdaan.

Waxaa Qoray: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media