Maxaa dhacaya haddii aad habeenkii cagtaada basal ku xirto oo ku seexato? (Dawooyin badan oo lagu sheegay)

0

(Hadalsame) 04 Dis 2020 – Waxaa la sheegay in haddii aad basal u jarjarto qaab balballaar ah kaddibna ay dadka qaarkood ku dhaaranayaan inay dawo buuxda u tahay cudurro badan, hargabka iyo qabowguba ha ugu horreeyaane.

Marka la eego aragtiyaha dawo dhaqameedka, waxaa la adeegsanayaa basalka cad iyo midka cas intaba, waxaana deeto la dhigayaa caloosha cagta waxaana lala gashanayaa iskaalsho iyadoo habeenkii lagu seexanayo. Subaxdii wuxuu qofku dareemayaa faqri wayn.

Dawadan ayaa kasoo jeedda sanadihii 1500-meeyadii, sida ay sheegtay jamciyadda National Onion Association, markaasoo ay kula dagaallami jireen Qandhadii Madoobayd ee qaaradda Yurub.

In iskaalshada la hoos geliyo waxay iyaduna salka ku haysaa dhaqamadii dawo ee Shiinihii hore oo ku dhaqmayey muddo kumannaan sanadood ah, iyagoo sheegay in cagta ay ku yaallaan dareen wadayaal u gudba qayb kasta oo jirka ka mid ah iyo xitaa xubnaha hoose.

Basalka ayaa hodon ku ah isku dhis salfiyuurik (sulphuric) ah, taasoo ah halka ay salka ku hayso urta u gaarka ah ee uu sameeyo, iyadoo la qabo in isku dhisyadaasi ay jirka u gudbaan, iyagoo dilaya jeermiska isla markaana nadiifiya dhiigga oo ay ka saarayaan sunta iyo kiimikada.

DARAASADAHA – Weli ma jiraan daraasado la sameeyey oo si cad u beeninaya jiritaanka aragtidan, balse aragtida ah in basalka cagaha la hoos geliyo oo iskaalsho lala gashto ayaa dood laga keeni karaa.

Dr. Ruth MacDonald, oo ah professor ka tirsan waaxda culuunta suntada iyo nafaqada ee Jaamacadda Iowa State University, ayaa sheegay in marka bakteeriya la dilayo aanu basalku aanu lahayn “saamayn la mid ah midda bleach-ka iyo antibiotics-ka”, balse waxaa la isku raacsan yahay in haddii basalka la cuno uu faa’iidooyin badan leeyahay, gaar ahaan dhanka xoojinta daafaca jirka.

Tusaale, wuxuu leeyahay dheefta flavonoids, oo yaraysa halista kansarka iyo cudurro kale, waxaa sidoo kale basalka ka buuxa vitamin C, sidoo kale cunista basalka iyo toonta oo la joogteeyaa waxay u roon yihiin wadnaha sida ku cad daraasad soo baxday sanaddii 2010-kii.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media