”Waxaan rajaynayaa inaan dib ula midoobo xaaskayga” – Soomaali badan oo filaysa in la qaado xayiraaddi Trump ku kala irdheeyey

0

(Ohio) 02 Dis 2020 – Mid ka mid ah waxyaabaha Donald Trump lagu bartay waa mamnuucidda uu saaray dalal badan oo aan u safri karin Maraykanka, kuwaasoo gaaraya 13 dal ayaa waxaa ka mid ah Somalia.

Waxaa dadka uu dhibkaasi saameeyey ka mid ah Afgaab Xuseen oo dalkaasi ku wada gaari loori ah, balse aan marna la noolaanin wiilashiisa iyo xaaskiisa.

Afgaab ayaa markii uu u guurey Gobolka Ohio 2015, wuxuu rajeeynayey in xaaskiisa uurka lihi ay sanadka xiga kusoo biiri doonto, balse xaaskiisa iyo carruurtiisu waxay weli ku nool yihiin Kenya kaddib markii xayiraad la saaray dalkooda Somalia.

Afgaab oo looriga ku wada 40 gobol ayaa carruurtiisa xaaskiisa u xiisay, wuxuuna sheegay in Joe Biden oo iminka guulaystey uu ballan qaaday inuu xayiraaddaa qaadi doono, taasoo rajo gelinaysa Soomaali badan iyo dad kale oo kala xayirnaa.

Hadalsame Media