Wararkii ugu dambeeyey shilka dayuuradeed ee Garoowe & arrin wax ka qabasho u baahan

0

(Garoowe) 02 Dis 2020 – Shil dayuuradeed oo cabsi leh balse laga badbaadey ayaa saaka ka dhacay Garoonka Dayuuradaha magaalada Garoowe ee xarun-goboleedka Puntland.

Dayuuradda oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa siddey rakaab fara badan, waxaana la sheegayaa in ay cilladu la xiriirto taayarro furmi waayey taasoo keentay in ay dayuuraddu dhulka caloosha ku dhufato, gaar ahaan qaybaha dambe iyo geeska.

Duuliyaha dayuuradda ayaa se ku guulaystey in uu dayuuradda xakameeyo, iyadoo aan lasoo sheegin wax khasaare nafeed ah marka laga soo tago dhibka dayuuradda gaarey oo xitaa hal matoor dhulka ku jiiddey.

Somalia oo laga adeegsado dayuurado gabow ah isla markaana uu liito heerka amaan iyo aqoonta ay maamullada dalka ka jiraa u leeyihiin la socodkooda ayaa waxaa sanadihii dambe kusoo kordhayey shilalka, waloow aanay weli dhicin kuwo waawayn oo lagu hoobto, balse waa mid u baahan taxaddar wayn.

Hadalsame Media

Facebook Comments