Tigreega oo laga qabsi qabo inay dagaalka u yeelaan weji cusub oo aan laga lug bixi karin

0

(Addis Ababa) 02 Did 2020 – Dagaalka muddada bisha ah haatan ka soconaya gobolka woqooyi ee Tigraay ayaa laga cabsi qabaa inuu isu rogo mid daba dheeraada oo ku dhisan hannaanka ku ”dhufoo ka dhaqaaqda”, xilli ay DF guul sheeganayso maadaama ay qabsatay xarun-gobolkeedka Maqalla.

Dagaalka ayaa bilowday Nof. 4 waxaana la rumaysan yahay inay ku dhinteen kumannaan dad ihi, iyadoo ay ilaa 50,000 oo qaxooti ihi ay u dalaabeen dhanka dalka Suudaan, iyadoo ay ka dhasheen xaalado aadminnimo oo fara badan.

Kooxda TPLF ayaa waloow haatan qayb ahaan la jebiyey misna awood badan ku leh gobolkaasi Tigraay oo ay ku dhaqan yihiin ilaa 5 milyan oo qofi, waxaana warka madaxa TPLF ee Debretsion Gebremichael ka muuqata inaysan “is dhiibi doonin oo ay adeegsan doonaan xeelado iyo tabo kala duwan.”

Si kastaba, waxaa shalay isa soo dhiibtey Keria Ibrahim oo ka mid ahayd dadka ugu cad cad Guddiga Fulinta ee TPLF, isla markaana iska casishey Guddoonka Aqalka Federayshanka oo u dhigma Aqalka Sare, iyadoo Juun sheegtay inay isu casileeyso dib u dhigista doorashada oo loo sababeeyey COVID-19.

Tillaabadaa ayaa xilligaa loo fahmayey tab ay TPLF ku turaanturraynayso DF Itoobiya oo ay 21 sano kaligood hal gacan oo bir ah ku hoggaaminayeen.

Hadalsame Media