Xulka Somalia oo ka qayb qaadanaya tartan caalami ah oo ay ku jiraan xulal waawayn

0

(Dooxa) 01 Dis 2020 – MW FIFA ee Gianni Infantino ayaa xaqiijiyey inuu bilaabmayo tartan ay ka qayb qaadanayaan 22-ka dal ee Jaamacadda Carabta oo la yiraahdo FIFA Arab Cup, kaasoo dhici doona sanad kaddib min 1-da ilaa 18 Diseembar 2021.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey Lusail Stadium, oo lagu qabanayo dhamaadka KA2022 lagu dhigayo Qadar ayaa sheegay in tartankani uu midayn doono 450 milyan oo taageere oo ku dhaqan dunida Carabta.

Guddoonka Xiriirka Qadar ee QFA Sheikh Hamad Bin Khalifa Bin Ahmed Al Thani, ayaa sheegay in “22 xul oo Carbeed iyo taageerayaashoodu ay si hordhac ah u dhadhamin doonaan waxa ay Qadar ugu tala gashay KA2020.”

Waxaa dalalka ka qayb gelaya ka mid ah dalkeenna Somalia, waxayna dalalku kala yihiin: Algeria, Bahrain, Comoros, Djibouti, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Mauritania, Morocco, Oman, Palestine, Qatar, Saudi Arabia, Somalia, Sudan, Syria, Tunisia, United Arab Emirates iyo Yemen.

16-ka xul ee iskugu soo baxa wareegga dambe ayaa loo qaybinayaa 4 guruub oo min afar ah, oo ay kasoo baxayaan 8 xul, waxaana tartankan oo socon doona 18 maalmood kana kooban 32 kulan uu sida muuqata yeelan karaa isreeb-reeb horaad.

Hadalsame Media