Israel oo weji ugu qoslaysa midna ku qaniinaysa Imaaraadka (Olole madani ah midkii ugu waynaa oo lagu kiciyey)

0

(Washington, DC) 01 Dis 2020 – 22 urur oo iskugu jira oo kuwa koontoroolka hubka iyo xuquuqul insaanka ayaa Koongarayska Maraykanka u qoray qoraal ashtako ah oo ay ku diiddan yihiin in Imaaraadka laga iibiyo hub ku kacaya $23 bilyan oo doollar, sida ay qortay Reuters.

Waa olole madani ah midkii ugu xoogganaa ee lagu qaado dalkan Khaliijka dhaca.

Waxaa ururrada ashtakada gudbiyey ka mid ah Arab World Now (DAWN), kaasoo uu sameeyey weriyihii la diley ee Jamal Khashuuqji. Waxay ururradu ku doodayaan in Imaaraadku uu hubkan ku gelayo dembiyo dagaal isla markaana uu ku qasayo Bariga Dhexe, iyagoo taa ku sheegay mid ka dhan ah xeerka Maraykanka.

Maamulka sii dhacaya ee Trump ayaa ogolaaday in hubkan oo ku kacaya $23 bilyan oo doollar laga iibiyo Imaaraadka, waxaana ku jira dayuuradaha F-35, daroonno casri ah iyo gantaalo.

Gaar ahaan dayuuradaha istaraatijiga ah ee F-35 ayay Imaaraadku filayeen inay si sahal ah ku helayaan kaddib markii ay si shuruud la’aan ah ula heshiiyeen Israel oo aan waxba ka tanaasulin, balse waxaa la aaminsan yahay inay isla iyadu arrintan hoosta ka shidayso, maadaama ay galaangal xooggan ku leedahay kooxaha wax qalqaaliya ee Washington DC.

Israel ayaa iyada oo aan Imaaraadka ku weji go’in waxay si dadban u hor istaagaysaa in ay helaan dayuuradahaasi oo ay haatan iyada oo qur ihi gobolka ka haysato, iyadoo lagu shidayo doodo kale sida xuquuqda insaanka.

Dad badan ayaa qaba in Koongarayska Maraykanka oo waxa qura ee uu isku raacaaba ay tahay danta Israel aanay diidi doonin hubkan haddii ay Israel raalli ka tahay.

Hadalsame Media