Israel oo ay cabsiyi soo wajahdey & tillaabo muujinaysa inay aano qabto oo ay qaadday

0
This photo released by the semi-official Fars News Agency shows the scene where Mohsen Fakhrizadeh was killed in Absard, a small city just east of the capital, Tehran, Iran, Friday, Nov. 27, 2020. Fakhrizadeh, an Iranian scientist that Israel alleged led the Islamic Republic's military nuclear program until its disbanding in the early 2000s was “assassinated” Friday, state television said. (Fars News Agency via AP)

(Tel Aviv) 01 Nof 2020 – Israel ayaa u digtey diblomaasiyiinteeda caalamka ku firirsan oo ay fartay inay ”feejignaadaan” kaddib markii ay Iiraan si cad ugu eedeeysay inay iyadu khaarajisey Dr Mohsen Fakhrizadeh, sida lagu qoray Anadolu.

Maalinlaha reer Israel ee daily Maariv ayaa qoray in Agaasimaha Guud ee WAD, Alon Ushpiz, uu farriin u diray dhamaanba diblomaasiyiinta Israel ee caalamka kala jooga, kuwaasoo uu faray inay si dhow ula socdaan “wax kasta oo aan caadi ahayn oo ay dareemaan.”

Waxaa diblomaasiyiinta la faray in ay ku socdaan hab-raac amaan oo cusub, iyadoo heegan la geliyey safaaradaha si la iskaga jiro weerar aargudasho ah oo ka yimaada dhanka Tehraan.

Fakhrizadeh ayaa lagu diley meel ka yara baxsan caasimadda dalkaasi, isagoo Jimcihii la safrayey xaaskiisa, waxayna Iiraan sheegtay in dilkiisa loo adeegsadey qoray lagu hagayey remote. .

Wasiirka Gaashaandhigga Iiraan, Amir Hatami ayaa duugta saynisyahanka ka ballan qaaday in Iiraan ay u aari doonto caalimkeedii nukliyeerka.

Hadalsame Media