Turkiga oo Somalia siiyey shaybaar ”naadir ku ah” gobolka & jaamacad ka faa’iidaysan doonta

0

(Muqdisho) 01 Dis 2020 – Hay’ad gargaar oo ay leedahay Dowladda Turkey ayaa shaybaar casri ah ku caawisay Jaamacadda Muqdisho ee ku taalla caasimadda dalka.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Danjiraha Turkiga ee Somalia, Mehmet Yilmaz, waxaa xarigga laga jaray shaybaarkan casriga ah oo wax ka taraya tayada waxbarasho ee qaybaha ay ka khuseeyso jaamacadda.

“Waxaan ku faraxsan ahay inaan ka qayb galo munaasabadda lagu furayo shaybaar lagu ogaado tayada saliidda, biyaha, qalabka dhismaha iyo laamiga ee Jaamacadda Muqdisho, kaasoo ay ku deeqday TIKA [Turkish Cooperation and Coordination Agency], oo siisay Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda” ayuu yiri.

Shaybaarkan ayaa naadir ku ah gobolka wuxuuna wax badan ka tarayaa tayada waxbarasho ee jaamacadda oo ay tagaan 12,000 oo arday.

Ankara iyo Muqdisho ayaa 10-kii Sebtembar sii kordhiyey iskaashiga ka dhexeeya gaar ahaan dhanka deeqaha waxbarasho waloow la fahamsan yahay in aanay Soomaalidu si wanaagsan weli fursadahaa uga faa’iidaysanin musuq baahsan iyo nin tooxsi jira awgii.

Waxaana sidaa fursad ku waaya dad u baahan inay wax bartaan, halka boosas badan la siiyo dad ujeedkoodu yahay inay sii tahriibaan oo ay arrintaa gacan ku siiyaan qaar ka tirsan isla madaxda maamula meelaha kala duwan.

Hadalsame Media