Itoobiya oo cadaadis caalami ah la saarayo iyo malaayiin gargaar ah oo laga jari rabo

0

(Addis Ababa) 01 Dis 2020 – Ninka Maaraynta Xasaradaha ugu qaybsan Midowga Yurub ee Janez Lenarčič ayaa u duuli doona Ethiopia isagoo la kulmi doona Wasiirka Nabadda dalkaasi, Muferiat Kamil, si loo dhameeyo go’doominta la saaray Gobolka woqooyi ee Tigraay.

Wuxuu deeto u duuli doonaa Suudaan oo uu berri ku arkayo madaxda dalkaasi, kahor inta aanu tegi xeryaha qaxootiga ee Kassala iyo Gedarif oo ay ka buuxaan qaxooti Tigree ihi, kuwaasoo gaaraya ilaa 45,000.

Lenarčič ayaa POLITICO u sheegay in uu Itoobiya ku boorrin doono inay ogolaato galaangal buuxa oo ay hay’aadka gargaarka iyo kuwa aadminimadu u yeeshaan gobolkaasi iyo meelaha uu dagaalku saameeyey, isagoo sheegay in uu RW Abiy kala hadli doono arrintaasi haddii uu la kulmo, iyadoo maanka lagu hayo in Itoobiya ay tahay dalka 2-aad ee martigeliya qaxootiga ugu badan dunida.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa Ethiopia siisay €815 milyan oo euro oo kab miisaaniyadeed ah min 2014-2020, taasoo lagu daray €400 milyan oo laga siiyey sanduuqa EU Trust Fund for Africa, haatan se sarkaal sare oo fadhiya Brussels ayaa sheegay in MY ay lacagtaa u adeegsan karto inay ku yareeyso dagaalka socda iyadoo joojinaysa haddii loo baahdo.

Yeelkeede, DF Itoobiya ayaa horay u caddaysay in arrinta Tigraay ay tahay mid maxalli ah isla markaana aysan ogolaan doonin in dibedda wax looga yeeriyo ”xitaa haddii ay yihiin faqri kaalmo u baahan.”

Hadalsame Media