Kenya oo diiddey faragelinta lagu eedeeyey & sida aanay hadda micne u samaynayn Danjiraha la eryey

0

(Nairobi) 01 Dis 2020 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa beenisey inay faragelin gudeed ku hayso arrimaha Somalia iyadoo eedda DF ku tilmaantay “been aan sal lahayn”, kaddib markii lasoo diray Danjirihii u fadhiyey Somalia, halka ay Somalia u yeeratey midkii ka joogey Nairobi.

DF Somalia ayaa Kenya ku eedeeysay “inay waddo faragelin joogto ah”, iyadoo albaabka tustay Danjire Lucas Tumbo isla markaana u yeeratey Danjire Mahamed Ahmed Nuur Tarzan.

Yeelkeede, WAD Kenya ayaa ku andacoonaysa inaan warkaa ”waxba ka jirin” iyo in aanay DF warka usoo marsiinin hillinada tooska ah ee diblomaasiyadda isla markaana aanay weli helin warqad rasmi ah oo Danjirohooda looga saaray Somalia.

Wasaaradda ayaa intaa raacisay in Kenya ay ixtiraamayso madax bannaanida geyi iyo midda aaya ka talineed ee dhamaanba dalalka dunida, gaar ahaan kuwa Afrika.

“Waxay arrinta Somalia u taallaa inay ka run sheegaan waajibaadka howleed ee hor yaalla ee ay iska daayaan falalka jeedinta ah, isla markaana ay ku fooganaadaan qabashada doorasho noqon doonta tillaabo kale oo wax ka taraysa dib u dhiska Somalia dagaallada kadidb,” ayay tiri WAD Kenya.

Kenya ayaa muddo dheer faragelin ku haysey Somalia, gaar ahaan tan iyo markii ay soo galeen Somalia, balse maadaama aan xilli hore waxba laga dhihin, tillaabada xilligan la qaaday ayay dad badani u fasireen mid lagu duwayo dareenka dadwaynaha oo laga leeyahay dano siyaasadeed iyo olole doorasho.

Waxaa kale oo aan micne samaynayn cayrinta deg degga ah ee Danjiraha Kenya oo aan xallinayn khilaafka labada dhinac, waxaa intaa dheer in Kenya uu ciidan ka joogo dalka Somalia.

Hadalsame Media