Muuqaal ku jira film Maraykan ah oo laga soo qaatay xeeladda lagu diley saynisyahankii nukliyeerka Iiraan (Daawo)

0

(Tehraan) 01 Did 2020 – Saynisyahanka nukliyeerka ee Iiraan ee lagu khaarajiyey bariga Tehraan ayaa la sheegayaa in lagu diley qori kuwa darandoorriga u dhaca ah oo meel fog laga hagayey isagoo ku xiran gaari kale, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Fars News Agency.

Madaxda sare ee Iiraan ayaa arrintan ku eedeeynaya in Israel ay tahay midda ka dambaysa, iyadoo uu Ayatollah Seyyed Ali Khumayni iyo madaxda kale ay ku gooddiyeen aargudasho guddboon oo ay ugu aarayaan Dr Mohsen Fakhrizadeh, madaxii barnaamijka nukliyeerka ee dalkaasi.

Wakaaladda Fars News ayaa sheegtay in Fakhrizadeh uu la safrayey xaaskiisa isagoo saaran gaari aanay rasaastu karin, kaddib markii uu maqlay rasaas kaddibna uu gaariga dibedda uga soo baxay si uu u ogaado waxa dhacaya.

Yeelkeede, markii uu gaariga dibedda uga soo baxay ayaa waxaa lagu shaqshaqay baas ka dhacayey gaari NISSAN ah oo taagnaa meel 150 mitir (164 yaardi) u jirta gaariga Fakhrizadeh, sida ay wakaaladdu qortay.

Fakhrizadeh ayay rasaastu qabsatay 3 jeer, waxaa sidoo kale la toogtey ilaaladiisii, waxaana markii dadkii la laayey kaddib qarxey gaarigii NISSAN-ta ahaa oo weerarka dhan ku fuliyey 3 daqiiqadood.

Arrintan ayaa u eg sheeko ku jirta musalsalka Breaking Bad oo uu jilaaga horseedka ah ee Bryan Cranston oo metelaya Walter White uu ragga ay is hayaan ku laynayo qori darran doorri u dhaca oo remote ku shaqeeya.

Halkan ka daawo…

Halkan ka daawo markii la tijaabinayey

Hadalsame Media