CIYAARSIINTA AWOODDA!! Tiraab xumada mucaaradka & talo xumada muxaafidka waa laba tows

0

(Hadalsame) 29 Nof 2020 – Soomaalidu waxey tiraahdaa: ”NINKII RARAN KU ROOGSADAA RABEEYEE, NIN LA RUUB-RUUBSHAY XAAD U REEBTAY.“

Murtidaas waxaa i soo xasuusiyey shalay markaan wada aqriyey qodobadii ka soo baxay shirkii maalmahaan Hotel Jazira uga socday Siyaasiyiinta musharixiinta ah.
Waayoo Qodobadoodu kuma ekeyn doorashada iyo habka loo maamulayo ee cabashadu ka timid, sida in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo iyo in doorasho xor iyo xalaal ah oo aan madmadow ku jirin ay dalka ka qabsoonto, taasoo la rumeysnaa iney aheyd ujeedada ugu weyn ee halka doon soo wada saartay Siyaasiyiintaan kala damaca ah islamarkaana shirkan loo qabtay, balse hada waxaad moodaa iney Odayaasha ciyaarsiinta awoodu la taraaraxday oo ay la gashay arimo kale oo aan iyaga quseyn, oo aan la garaneyn qaab looga garaabo ama loola ciyaaro kubada, sida:

Waa in gudiyada doorashada gebigoodba lakala diraa, Hebel xilka ha baneeyo, hebel doorashada reerkooda haloo madaxbanaaneeyo, doorashada reer hebel halagu qabto meel hebel hana waardiyeeyaan ciidamo hebel, waa in Ciidamada dowlada laga soo saaraa Gobol hebel, iyo hadaan warkeena la dhegeysan waxaan magacaabi doonaa Gudiga badbaadada doorashada dalka oo u fasiranta iney iyagu doorasho qabanayaan iyo qodobo kale oo u muuqda in shaqooyinkii dowlada lagu farageliyey, halka qodobada qaarkoodna aad moodo in Siyaasiyiinta madasha isugu tegay uu mid waliba ku darsaday qodob isaga u gaar ah oo uu jeebka kuwatay.

Tusaale:- Prof Gaandi, waa wax iska cad in isagoo ka wakiil ah Md, Axmed Madoobe uu qodobada shirka ka soo baxay ku darsaday qodobka oranaya •Waa in Gedo laga soo saaraa Ciidamada dowlada, sidaas si la mid ah ayaana marka laga reebo qodobada laga wada mideysnaa loo aqrin karaa siyaasi walba oo goobta joogay qodobka uu daneynayey ee uu war murtiyeedka Hotel Jazira ku lahaa.

Inkastoo falanqeynta iyo lafagurka qodobada ka soo baxay shirka ay dhanka baraha bulshada shalay aad ugu yaraayeen,lana oran karo waxaa shiiqiyey oo ka awood badiyey hadalkii uu jeediyey Gudoomiyaha G/Banaadir Md Omar Filish oo lagu soo beegay, oo isagana xaqiiqdii khudbaddiisa ay ku jireen hadallo deel qaaf ah oo aan waqtigaan ku habooneyn iyo kuwa colaadeed oo ay aheyd in laga fogaado, hadana hadii ay dowladu aqbasho ama ogolaato qodobada shirka, waxey iyada ku noqoneysaa dhaawac iyo in lagala wareegay waajibaadkeedii shaqo iyo tii ka saarneyd arimaha doorashooyinka qaranka sida ku xusan Destuurka KMG ah, hadii ay ka aamustana waxaa suurtagal ah in Siyaasiyiinta murashixiinta ah sida ku xusan qodobka ugu dambeeya warmurtiyeedkooda ay iyaguna magacaabaan gudiga badbaadada doorashooyinka dalka.

Waxeyna dadka Siyaasadda rogroga u arkaan qodobkaan inuu yahay shax u diyaarsan murashixiintan oo ay rabaan iney isticmaalaan waqtigii loo baahdo, markaana waxaa suurtagal ah in labada darafba marka leys mari waayo ay beesha 6-aad oo (Beesha Caalamka) ah ay labadoodaba kala wareegto doorashada dalka ayna noqdaan dad loo taliyo oo sida wax loogu qeybiyo aan ka hadli karin, waana labo daran mid dooro.

Halkaas markeey taagan tahay, ewel looma sineyn qaladaadka iyo ciladaha doorashada oo Madaxda dowladu waxey ku ciyaareysay garoon ay qodxo farabadan ku daadisay,halka murashixiintuna ay ku ciyaarayeen garoon siman ayna diidanaayeen iney kulamadooda Away-ga ku ciyaaraan garoon qodxo badan lagu daadiyey, balse hada waxaa muuqata iney iyaguna garoonkoodii qodxo badan ku daadiyeen, waayoo wey cad dahay in Siyaasiyiinta murashixiinta ahi aysan wax badan xeerin oo uu xanaaqu ka tan badiyey, mana aheyn iney xaalada sii cakiraan,ee waxey aheyd hadii ay rabaan iney MD Farmaajo fagaaro isku helaan oo ay la tartamaan in ay dhankooda howsha ka soo fududeeyaan iyo iney ka fekeraan sida ugu sahlan oo ay dalka uga dhici karto doorasho aan hal gacan ku jirin oo loo wada siman yahay.

Sidoo kale waxey aheyd iney xeyndaabkooda ku ciyaaraan islamarkaana qodobadooda ku saleeyaan meelaha ay cabashada doorashada ka qabaan, waxyaabaha maangalka ah ee ay rabaan in laga saxo iyo talo soojeedino ku aadan in la helo kor joogayaal caalamiya oo doorashada ilaaliya maadaama leys tuhmay, lkn hada waxaad moodaa iney xeyndaabkii dowlada u soo talaabeen oo ku ciyaarayaan hadii aad qodobada shirka ka soo baxay si fog u eegtana ay arintuba tahay dalka yaaney doorasho ka dhicin.

Waayoo qodobada qaarkood waa kuwa ka hor imaanaya Xeerar uu Baarlamaanka FS horey u meel mariyey oo hadii la rabo in wax laga laabo aan ku xirneyn Madaxweynaha & Reysalwasaaraha una baahan waqti dheer, halka qodobada qaarkoodna ay maskaxda caafimaadka qabtaahi diideyso sida Qodobka 14aad oo oranaya “Goluhu waxey mustaqbalka xil iska saaraayaan xaqiijinta doorasho Qof iyo Cod ah si shacabka loogu celiyo awooda “ qodobkan su’aalaha ka dhalan kara waxaa ka mid ah, Sidee mustaqbalka golahaani u xaqiijin karaa doorasho qof iyo cod ah? yaa u doortay iyaga howshaan.? horta golahani muddo intee le’eg ayuu sii shaqeynayaa.? Suurtagalse ma tahay in ilaa 2025-ka uu golahani sii wada joogo.? ….aanse weydiimahaas iyo kuwa kaleba jawaabahooda idinka idiin daayo.

Tankale, sida ka muuqata Murashixiintu madaxda dowlada waxba uma hambeyn islamarkaana uma baneyn fursad ama garoon ay iyaguna markooda ku ciyaaraan ugana soo jawaabaan qodobada shirka ka soo baxay si dhankoodana war looga helo , xaalkuna waa, …NINKII RARAN KU ROOGSADAA RABEEYEE, NIN LA RUUB-RUUBSHAY XAAD U REEBTAY…….MACNAHA:- Qofkii dambas kulul ku istaagay ayaa boodboodaye qofkii isaga oo dhan la dhexgelshay dambaska kulul ka warama muxuu sameynayaa, “…….hadaba aan ka war dhowrno sida ay Madaxda dowladuna ula ciyaaraan awooda kale ee la ciyaareysa ama uga soo fal celiso qodobada xujada ah ee ka soo baxay Shirka Hotel Jazira.!!!

TALO SOOJEEDIN:-

Ugu dambeyn, waxaan talo ahaan u soojeedinayaa labada dhinacba in ciyaarta lagu dul ciyaarayo shacabka dushiisa aaney soo dhaafin wararka ku qoran warqadaha, lagana fogaado waxkasta oo wax u dhibi kara xasiloonida iyo dowladnimada yartaa ee aan maanta heysano oo aad ogtihiin meesha laga keenay, waana in la muujiyaa Xilkasnimo,dulqaad iyo tanasul.

Sidoo kale, waa in labada dhinacba ay joojiyaan kooxaha laga kala hadalsiinayo si loo kala muujiyo taageerada bulshada, kuwaas oo aad moodo iney xaalada uga sii darayaan, taa bedelkeedana waa in la helaa koox sadeexaad oo ka madax banaan hardankan, islamarkaana runta u kala sheegi kara labada dhinac ee ku loolamaya talada dalka..!!!

WAA ARAGTIDEYDA GAARKA AH:-

Adiguna aragtidaada xor baad u tahay wixii sixid iyo ku daris ahna waan soo dhaweynayaa. Mahadsanidiin.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku xusan

Hadalsame Media