Dadka Muqdisho oo kasii quusanaya talo micne leh oo uga timaada madaxda xilka haysa & mucaaradka diiddan midkoodba (Talo ku socota)

0

(Muqdisho) 28 Nof 2020 – Seddex qoloba waxaan rabaa inaan la wadaago farriinteydii ugu dambeysay ee nuuceeda ah.

1: Musharraxiinta magaalada kusoo noqday waxaan leeyahay meel laga Campaign gareeyo iyo magaalo laga ole-oleeyo lama joogo, ee inaga xishooda, damiir kiinuna ha idin la hadlo. Dalka iyo dadka caqli aad ku bad-baadineysaan la kaalaya, ama iska suga inta idin kana maalin la idin wada duugayo.

2: Madaxweynaha dalka waxaan leeyahay madaxweyne haddey kula fududeed oo aad iska ilowday kun kii qof ee halka maalin la xasuuqay, haddaad ilowday maamulkii magaalada iyo guddoomiyihoodii isku fadhiga lagu dilay, kaama aqbaleyno inaad saaxiibadeen iyo walaalaheen dhiigooda fududeeysato, inaad afarsano oo kale sidaan nagu sii xukunto haddey dad kuu sheegeen, been ayey kuu sheegeen.

3: Dadka dowladdaan taageersan ee Facebook ga doodaha la taagan, oo u badan dad aan xaqiiqada duljoogin ama kuwa la shaqeysta dowladdaan waxaan leeyahay walaalayaal markaan howshu waa soo dhaaftay mushaar la ilaashado ama dowlad Facebook iyo comment lagu difaaco, qof aan ka yeelayo majirto walaalahey dhimashadooda aan kaala doodo, oo aan qaarkood ballansaneyn, qaar howlo naga dhexeeyeen oo aan illaa hadda garan la’ahay meel aan ka billaabo.

Haddeyba intaas oo qof halmar wada dhiman karto nagana dhimatay, wax innoo haray oo aan ilaashano garan maayo.

Waxaa Qoray: Maxamed Royal

Hadalsame Media