DAAWO: Faransiiska oo wada holcaya jeer ay dibed baxyo dhigayaan nus-milyan qof & waxa ay diiddan yihiin

0

(Paris) 29 Nof 2020 – Kumannaan kun oo dibed baxayaal ah ayaa iskugu soo baxay magaalada Paris iyo kuwo kale, iyagoo diiddan xeer cusub oo qabyo ah oo Booliiska siinaya awoodo dheeraad ah.

Dadka ayaa dibed baxyada ka dhigaya magaalooyin ay ka mid yihiin Paris, Strasbourg, Marseille iyo Lyon.

Waxaa ugu darnayd Paris, halkaasoo ay 46,000 oo qofi ay isu soo bexeen 2 p.m. iyadoo tegey Place de la République ilaa Place de la Bastille.

Abaabulayaasha ayaa sheegay in dadka isu soo baxaya marka dalka oo idil la eego ay dhan yihiin 500,000 oo qof, iyadoo ay 200,000 oo qofi ay iskugu soo baxayaan Paris, sida ay qortay AFP.

Waxay walxo ku tuuryeeyeen booliiska Paris, halka Rennes, ay booliisku adeegsadeen gaaska dadka ka ilmaysiiya, iyadoo ay haatan dibed baxyadu isu rogayaan kuwo rabsho xambaarsan, iyadoo walxo holcaya lagu weerarayo xayndaabyada booliiska, Bankiga Banque de France, dukaamo iyo gawaari jidadka taalla.

Dadka diiddan sharciga qabyada ah ayaa soo qaatay boorar ay ku qoran yihiin: “Wax aan la arag lama qabto”, iyagoo ula jeeda sharciga oo dhigaya inaan la sawiri karin booliska marka ay shaqada ku jiraan.

Hadalsame Media

Facebook Comments