Arag 5-ta QODOB ee ay ku fashilan tahay ”Fadwada” Cumar Filish

0

(Hadalsame) 27 Nof 2020 – Waxaa shalay baraha bulshada aad u dhex xulay Guddoonka Gobolka Banaadir oo isaga oo aayad Qur’aan ah daliishanaya si toos ah ugu duur xulaya ragga kasoo horjeeda Madaxtooyada, kuwaas oo u badan rag doonaya kursiga Madaxtooyada.

Cumar Filish ayaa si cad u sheegay in ay sax tahay in la dilo dadkaasi, sida uu u fasirmayo hadalkiisu, taasoo aan ahayn maqaam ay marna sax tahay inuu istaago marka arrimahan oo idil la eego:

1 – Filish ma aha caalim diineed iyo fiqi loo ag fadhiyey inuu leeyahay aqoonta ballaaran ee loo baahan yahay marka go’aankan oo kale lasoo saarayo oo aan kaliya ku koobnayn inaad aayad gaar ah fasiri karto oo qura. Sidoo kale marka sooyaalka dib loo eego Filish wuxuu ahaan jirey hoggaamiye kooxeed ay magaaladu mar usoo joogtey dhibka uu haatan ka sheegayo mucaaradka aan hubaysnayn mid kasii daran.

2 – Geed waliba intii gubtaa hoos taale, Guddoonka Gobolka Banaadir waxaa looga baahan yahay inuu wax ka qabto neefkii geela ahaa ee shalay moolka dhiiqada ah ku dhex jirey isagoo dhex maraya jid wayne ku dhex yaalla magaalada Muqdisho oo biyihii dhex fariistay ay ku yaabiseen iyagoo isu bedeley dhiiqo maluug ah. Beri dhowayd wuxuu Afhayeenka Gobolku af cad ku sheegay inaysan waxba u haynin wax ka qabashada dhibka haatan ugu daran Gobolka ee ah jidadka go’aya markii uu roob yimaado.

3 – Maamulka Gobolka Banaadir ma aha Afhayeenka Guddiga Doorashada, mana aha midka DF, mana aha midka Madaxtooyada, mana istaagi karo moowqif uu intaaba ugu doodi karo, sidaa darteed, waxaa wanaagsan inay ka aamusaan arrimahan oo ah kuwo heer qaran ah, waloow ay sidoo kale khalad tahay in xitaa maamul-goboleedyada wax laga waydiiyo ama ay ka hadlaan arrimaha doorashada.

4 – Waxaa la fahamsan yahay in Filish lagu cadaadiyey inuu hadlo, iyadoo ay jirto aragti ah in qofkii hadlaba qof la yiraahdo ”u jawaab”, waxay Soomaalidu ku mahmaahdaa marqaati been ah 3 baa kugu ogaata, 1 – Kii aad u furtay. 2 – Kii aad ku furtay. 3 – Ilaahay. Ogoow marka uu qof kuu adeegsado inaad mikrafoon u noqoto oo uu daaha gadaashiisa kaa adeegsado waxaa lumaysa xushmaddii ay kuu hayeen dadka aad u jawaabayso iyo xitaa midka aad dartii u jawaabayso. Waxaa kale oo dhimanaysa mas’uuliyadda iyo qiyamka qofka khidaddaa, oo ah mid aad u hooseeysa oo aan shaqaynayn, adeegsanaya.

5 – Mucaaradku wixii khalad ah oo ay ku kacaan ama warkii khalad ah oo kasoo yeera sida qabyaalad kicin iyo daba-dhilifnimo lagu baaqo waxaan ka yeelaynin shacabka waxgaradka ah, balse misna madaxda xilka haysa waxaa saaran mas’uuliyad la doonayo inay gartaan una istaagaan, mana ka saarayso inay ku daba dhuuntaan odayaal iyo islaamo la abaabulo oo ama Facebook LIVE kasoo gala, ama shirar loo qabto, sidoo kale ma aha mid gooddin iyo dil ku xallismaysa sida uu Filish ku baaqay ee way kasii daraysaa.

Waxaa kale oo XF khalad wayn ku ah in hantida umadda oo sida muuqata aan wax looga qabanayn meelihii ay ku haboonayd, loo adeegsado dacaayado iyo abaabulka shirar noocan ah.

Caqli iyo cilmi soconaya ayaa cidda lagu dhaqi karaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media