Waa kuwee labada qodob ee qaraareeyey War Murtiyeedkii ay musharrixiintu soo saareen?!

0

(Muqdisho) 27 Nof 2020 – Rag u badan qaar ka tirsan musharrixiinta u taagan madaxtinnimada dalka oo muddo todobaad ku dhow ku shirsanaa Hotel Jasiira ayaa soo saaray War Murtiyeed ka kooban 18 qodob.

Waxay qodobaddooda kusoo qaateen arrimo badan oo loo qaateen ah sida in aanu dhexdhexaad ahayn noqonna karin Guddiga Doorashada oo loo arko mid gef ku ah nidaam kasta oo dimoqraadi ah, ku takri falka hantida qaranka, in qof gaar ah loogu ololeeyo ama looga ololeeyo iyo in dadka loo madax banneeyo soo xulashada guddiyada ka imanaya gobollada iyo beelaha.

Yeelkeede, waxay War Murtiyeedkooda ku dhabjiyeen laba qodob oo qiyamka ka diley wixii ay soo saareen, isla markaana u sawiray dad marna foowdo raadis ah marna ku shaqeeyna ujeedooyin gurracan, taasoo ay tahay in ay ka waantoobaan.

Waxaa ay qodobbada warkooda qaraareeyey ay kala yihiin qodobbada 4-aad iyo midka 18-aad ee ugu dambeeya War Murtiyeedka oo u kala qoran:

1 – In dowladda federaalka ay si deg-deg ah uga la soo laabato maamulka sharci darrada iyo ciidamada ay geysay gobolka Gedo, si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland, maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu fududaato qabashada doorashada.

2 – Haddii ay DF ku adkaysato taabba gelinta doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya bulshada iyo Maamul-goboleedyada uu qabanayo doorasho ”dalka lagu badbaadinayo, si aanay u dhicin marnaan awoodeed iyo mid dastuuri ah.

Labadan qodob waxay dileen doodda musharrixiinta, sababtu waxay tahay, in ciidanka dhexe loo diro gobol ka mid ah dalka waa mid ka mid ah xuquuqaha asaasiga ah ee ku qoran Dastuurka, tan kale ciidanka loo diray Gedo iyo ciddii ay la dirireen waa wax la wada arkayey, marka haddii ay musharrixiintu ku doodayaan waxaa sax ah inay Kenya dalka iska soo gasho oo anteenooyinka iska gubto, gabdhaha kufsato, dusha ka duqeeyso, balse waxaa khalad ah marka ciidankii dalku uu tago gobolka si aan loogu baahan joogista Kenya iyo waxa ay iyadu ku adeeganayso, waa dood gunnimo ah.

Qodobka kale ee ah waxaan qabanaynaa doorasho dhinac socota midda Federaalka, waa arrin iyaduna halis ah oo aysan ahayn in xitaa lagu fikiro, anigoo og inay halistaa ay laftoodu abuurayaan kuwa xilka haya ee u muuqda dad sahashanaya wax aan sahlanayn oo qaalin buubyo ah, misna waxaa wanaagsan in wax la xeeriyo oo aan lagu baaqin wax xaaladda uga sii daraya.

Tan kale, waa ognahay oo siyaasi xambaarsan aragti uu dalku isku fillaansho ku gaaro ma jiro balse inta yarta ee tuugsiga lagu keeno iyo xoogaaga dadka laga farataysto ayaa lagu kibrayaa, marka haddii inta beesha caalamku kisteeda diiddo iska tago, cid caqli iyo cilmi wax isu keenaya xambaarsani ma jirtee yaan lakal rididn waxa yar ee la isu jiid jiidayo ee 15 sano Muqdisho dhaafi la’, doodaha Abuu Geela ihina ayba usii muuqdaan inay dad badani ay sidaa ah in ay DF Muqdisho uun iska fadhido ay sax u arkaan.

Marka aan sidaa leeyahay waxay iga tahay ”madax muuqda iyo middi saawira midna lagama samro” ee wallaanan dadnimo badan uga jeedin labada dhinac oo hadda u muuqda isma dhaanto iyo dhasheed.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media