DAAWO: Ruushka oo tijaabiyey gantaal lid ku ah gantaalaha baalistigga oo casri ah

0

(Kazakhstan) 26 Nof 2020 – Ruushka ayaa ku guulaystey tijaabada gantaalaha lidka baalistigga (ABM) oo la casriyeeyey, kaasoo laga ganay goobta wax lagu tijaabiyo ee Sary-Shagan ee dalka Kazakhstan, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

Jeneraal Andrey Demin, oo ah Taliyaha Ciidanka Cirka iyo Kuwa Lidka Gantaalaha Baalistigga ee Ciidanka Hawada Sare, ayaa sheegay in tijaabadu ay xaqiijisay baxaalliga ”la isku hallayn karo ee gantaalkan” oo ku dhacay bartilmaameedkii loosii asteeyey.

WG ayaa sheegtay in gantaalkan loo naqshadeeyey inuu difaaco gantaalaha ka imanaha cirka iyo hawada sare (space) labadaba, waxaana durba ku hubaysan Ciidanka Hawada Sare.

Horraantii bishan Maraykanka ayaa tijaabiyey gantaal lidka baalistigga ah oo la yiraahdo SM-3 ABM, iyadoo tijaabada kaddib ay Moscow ku eedeeysay Washington inay ka “been sheegayso” awooddeeda ciidan.

Hadalsame Media