Gobol Maraykan ah oo qarka u saaran inuu kala go’o iyo sabab cajiib ah oo ugu wacan

0

(Oregon) 25 Nof 2020 – Cod bixiyeyaasha degmooyinka Union iyo Jefferson ayaa sheegay inay doonayaan inay ka go’aan Gobolka Oregon oo ay ku biiraan Idaho.

Jefferson County, waxaa ku dhaqan 5,655 oo qof — 51.02% — waxay ku codeeyeen inay goostaan. Dhanka Degmada Union, waxaa deggan 7,401 — 52.42% — waxay taageereen aragtida goosiga.

Waxaa sidoo kale laga codeeyey Wallowa County balse waa laga cod batay oo 2,429 (49.53%) ayaa go’itaanka u codeeyey, halka 2,475 (50.47%) ay ”MAYA” ku codeeyeen.

Waxaa sidoo kale maya ku codeeysay degmada Douglas County, oo 26,404 (43.27%) ay go’itaan doonayeen si ay ugu darsadaan Gobolka deriska la ah ee Idaho si loo abuuro Greator Idaho, balse 34,621 (56.73%) ayaa joogis ku codeeyey.

“Waxaan u hambalyaynayaa intii codeysey. Tani wa bilow,” ayuu yiri Mike McCarter oo ah ninkii codayntan agaasimey oo la hadlayey Oregonian/OregonLive.

Arrintan ayaa salka ku haysa aragti siyaasadeed iyadoo Oregon oo ah gobol ay liberaalku ka taliyaan kana kooban 36 degmo ay qolyaha deggan dhanka xigta Gobolka California ay doonayaan in waloow ay yihiin Oregonian jecel gobolkooda ay misna door bidayaan inay ku hoos noolaadaan nidaamka muxaafidka ah ee Gobolka Idaho oo deris la ah oo markaas bad heli lahaa maadaama uu hadda bad-xiran yahay.

Hadalsame Media