Imaaraadka oo u dhaartay dal Carbeed oo uu ku haysto xiriir uu la leeyahay Turkiga

0

(Abuu Dabeey) 25 Nof 2020 – Imaaraadka (UAE) ayaa dalka Algeria oo ka mid ah dalalka ciidan ahaan ugu xooggan Afrika iyo Carabta ugu hanjabaya cunaqabatayn haddii ay joojin waayaan iskaashiga dhow ee ay la leeyihiin Turkiga, sida lasoo werinayo.

Imaaraadka ayaa la sheegayaa inay Algeria u gooddinayeen tan iyo bishii Sebtembar, markii uu MW Abdelmadjid Tebboune uu aad u cambaareeyey xiriirka cusub ee Imaaraadka iyo Israel, sida uu faafiyey warqaadka Faransiiska sal dhigta ee Maghreb Intelligence.

Nidaamka Abuu Dabeey ayaa caradeeda marisay hillinno diblomaasiyadeed, iyadoo cambaaraynta furan ee Tebboune’ dhanka UAE looga fasiray colaad furan, iyadoo farriinta loo mariyey Algeria Jen. Abdelghani Rachedi, oo horay ula shaqayn jirey Safaaradda Algeria ee Abuu Dabeey, isla markaana madax ka ahaa Booliiska Dalkaasi tan iyo Abriil.

Farriinta ayaa u dhignayd in Abuu Dabeey aysan ka laba-labayn doonin inay cunaqabatayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed saarto Algiers haddii ay sii wadaan inay iskaashi la yeeshaan wax lagu sheegay “qalqaalada ka dhanka ah Imaaraadka” ee gobolka.

Jen. Rachedi ayaa la sheegay inuu warqadda u gudbiyey MW Tebboune, oo ka khashaafay inuu usoo jawaabo Imaaraadka, oo xiriir fiican la lahaa MW Ahmed Gaid Salah, balse ay isku xumaadeen Tebboune oo gadaashii la doortay.

Imaaraadka ayaa sanadihii dambe dalal badan oo Carab iyo Muslim ah dagaal u caddaystay, iyadoo lala yaabban yahay waxa Imaaraadka mar qura ka dhigay dal fongoran oo isku taag taaga dalalka Muslimka ah, isagoo aan xitaa hadda xiriir fiican la lahayn Sucuudiga iyo Masar oo aad ugu dhowaa sanadihii yaraa ee dambe.

Turkiga iyo Algeria oo heshiis kala saxiixday Jannaayo ayaa isku mowqif ka istaagey arrimaha Libya oo ay UAE isku hayaan Turkiga.

Hadalsame Media