Yaa caawa murugo badan caasimadda Argentina & magaalada Napoli (Arag sawirrada, muuqaallada & xaaladda Napoli kaddib geerida Maradona)

0

(Napoli) 25 Nof 2020 – Magaalada Napoli ee koonfurta Talyaaniga ayaa caawa ka ilmo badan caasimadda Argentina ee Buenos Aires, yaysanna yaab kula noqon waayo waa magaaladii Talyaaniga iyo Argentina oo dheelaya KA90 dalkeeda kasoo horjeesatey si ay u taageerto Maradona oo maanta wadne xanuun u geeriyoodey 2 todobaad uun kaddib markii maskaxda laga qalay.

Halkan ka arag sawirrada & muuqaallada magaalada Napoli

Diego Maradona ayaa Napoli looga arkaa astaanta ugu wayn ee magaaladaasi, iyadoo isla markii ay soo yeerey dhiillada geerida Mara mar qura magaalada oo idil laga maqlay dawanka kaniisadaha iyadoo jidadka ay is qabsadeen shumacyada iyo sawirrada loogu baroor diiqayo halyeeygii kubadda cagta ee qarnigii dhamaaday ee 20-aad.

Jawiga magaalada ayaa ah mid qamuunyaysan, gaar ahaan faras magaalaha qadiimiga ah ee Napoli iyadoo la arkayo maxalliyiinta oo ooynaya isla markaana hab isa siinaya si ay isu samirsiiyaan, iyadoo xiran maasgaraha karoonaha. Dadka qaar ayaa gawaaridii ku baakimey bartamaha jidadka.

Kaddib markii uu soo baxay khabarka in uu wadnuhu istaagey Maradona, DF Argentina ayaa ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroordiiq ah oo heer qaran ah.

Ha yeeshee, Napoli waxay uga dhigan tahay maalin la illaawo, sanad maran iyo maalinta ugu xun ee soo martay, iyagoo waayey wax ay u arkaan wiilkii ay jeclaayeen ama mid ka mid ah raggii ugu waawaynaa ee abid kubbad laaday gaar ahaanna u saftay kooxda magaaladaasi oo ay ugu horreeysey uguna dambeysey waagii Maradona.

Inaad caawa oo kale dhexmarto magaalada Napoli waa sida adiga oo dhex socda bartamaha film xambaarsan qiso murugo badan, iyadoo ay makhaayaduhu ay rooti iyo bun lacag la’aan ah siinayaan dadka.

Dhanka kale, milkiilaha kooxda SSC Napoli, Aurelio De Laurentiis, ayaa sheegay inay ka fikirayaan inay garoonka Napoli ee San Paolo ay ugu magac daraan Maradona.

Halkan ka arag fal-celinta laga bixiyey….

Hadalsame Media