Israel oo qaab rakaato ah u adeegsanaysa kulanka qarsoodiga ah ee ay Sucuudiga la yeelatay

0

(Tel Aviv) 24 Nof 2020 – Riyaad ayaa dafirtay wararka sheegaya inay si qarsoodi ah ula kulmeen RW Yuhuudda ee Benjamin Netanyahu oo kulan la qaatay dhaxal-xuge Mohammed bin Salman (MBS).

Wasiir Dibadeedka Sucuudiga, Amiir Faisal bin Farhan ayaa se warkaa ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, isagoo sheegay inay kaliya la kulmay Wasiir Dibadeedka Maraykanka.

Yeelkeede, wasiir Israeli ayaa kashifay in Netanyahu uu dayuurad khaas ah ku tegey magaalada Badda Cas dhacda ee Neom halkaasoo uu kula kulmay Mike Pompeo, oo todobaadkii tegey uu Quddus ku qaabiley iyo MBS.

Wasiirka Waxbarashada Israel, Yoav Galant, ayaa amaanay kulankaa Netanyahu la qaatay MBS iyo Pompeo oo uu ku tibaaxay “guul cajiib ah”, waloow uu qiray inaysan weli waxba rasmi ahayn mar uu la hadlayey Idaacadda Ciidanka oo ah midda sheekadan kashiftay markii hore iyadoo ay wehliso idaacadda dadwayne ee Kan Radio.

Dhaqankan ayaa muujinaya in Israel ay qaab rakaato ah u adeegsanayso kulamada ay la qaadanayso madaxda Khaliijka, iyadoo marka la eego xushmadda diblomaasiga ah ay qurux badnayd inaanu sidan uga hadlin qof wasiir gaarsiisan, haddiiba ay Riyaad kulanka qarinayso, waxaana halkaa laga garan karaa sida ay u yar tahay xushmadda ay u hayaan.

Israel ayaa geed kasta u fuulaysa inay Sucuudiga soo saarto karreetada ay awal horay ugu wadatey Imaaraadka iyo Baxrayn, si ay sharciyad ugu hesho xiriir ay la yeelato Muslimiinta iyadoo ka faa’iidaysanaysa xajmiga iyo saamaynta Sucuudiga, oo si kastaba aad hoos ugu dhacay sanadihii dambe.

Hadalsame Media