Hay’ad awal ku dheganayd oo ka fuqday MW dooran ee Maraykanka (Geeddi socodka xil-wareejinta oo bilaabatay)

0

(Washington, DC) 24 Nof 2020 – Madaxda Hay’adda Adeegyada Guud (GSA), Emily Murphy, ayaa ugu dambayn MW dooran ee Joe Biden shalay ku wargelisey inay si cad u ogolaatay inuu yahay guuleedka doorashadii ugu dambeeysey ee 2020 ka dhacday Maraykanka, sidaa darteed ay kala shaqeeynayaan inuu bilaabo xil la wareegista.

Warqadda ay Murphy qortay ayaa dhamaynaysa is mari waa todobaadyo taagnaa iyadoo Madaxa GSA lagu eedeeyey inay tas-hiilaad iyo xog-siin dhanka amaanka ah oo uu xaq u lahaa u diidanayd Biden si uu awoodda ula wareego.

“Fadlan la soco in go’aanka aan u qaatay si madax bannaan, oo ku salaysan sharci iyo xog. Marnaba se si toos ah iyo si aan toos ahayn cidina iima cadaadin,” ayay tiri Ms Murphy oo muujinaysa inaysan ka amar qaadanaynin MW xilka ka degaya ee Trump.

Madaxa GSA ayaa cambaarayn kala kulmaysey madax ka tirsan labada xisbi todobaadyadii dambe iyagoo khalad ku tilmaamay inay diido aqoonsiga MW dooran, iyagoo tilmaamay inay taasi keenayso halis amaan qaran isla markaana ay wiiqayso la dagaallanka cudurka coronavirus.

Go’aanka Murphy oo uu Trump ku taageersanaa inay arrinta xagal-daaciso, ayaa kusoo beegmaya jeer ay kooxda u doodaysa Trump ay guulldarrooyin kala kulmeen gobollada Michigan, Pennsylvania iyo Georgia.

Hadalsame Media