Wejiyada foosha xun ee dagaal sokeeye leeyahay oo durba kasoo daahiray Itoobiya + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Nof 2020 – Dejena hotel oo ku yaala bartamaha magaalada Shire ee gobalka tigreega dalka itoobiya wuxuu ka mid ahaa meelaha ay dagi jireen dadka dalxiiska u aada goobaha taariiqiga ee waqooyiga itoobiya.

Dhismaha huteelka aya ku burburay dagaalkii ciidanka itoobiya iyo kuwa TPLF ku dhax maray magaalada.

Inkastoo xaalada magaalada degan tahay ayna si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka itoobiya hadana waxaa ka muuqda raadadka colaada.
Magaaladan oo ay ku noolaayeen dad lagu qiyaasay 47,283 qof ayaa iminka ah cidla waxaana dadka badankood ay ka carareen ka hor inta aan dagaalku dhicin.
Dadka arimaha itoobiya ka faalooda ayaa sheegaya in ay waqti qaadan doonto kabashada burburka gaaray kaabayaasha dhaqaalaha ee waqooyiga itoobiya.

Meelaha burburay waxaa ku jira garoomada diyaaradaha iyo buundooyin muhiim ahaa.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media