Haddii aad xilka hayso ama aad doonayso waxaa jirta mid aan cidina kaa akhrisan doonin

0

(Hadalsame) 24 Nof 2020 – Waxaa hoteel Jazeera ku kulansan qaar badan oo ka mid ah ragga ugu miisaanka culus musharrixiinta u taagan xilka madaxtinnimada dalka iyo qaar ka tirsan DF Somalia oo gadaal uga soo biiray, kuwaasoo ay xitaa ka mid yihiin Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka dhexe iyo xildhibaanno.

Waxa la iskaga daba yaacayaa kolleey dan qaran maahoo haddii dal laga fikirayo xukuumad ay 4 bilood u harsan tahay inta la rido dalka qalalaase lama geliyeen, taasoo ay eedeeda 1-aad leeyihiin Guddoonka Aqalka Hoose oo dan gaar ah arrintaa ka dhex arkay haddana isagoo dantii ku hungoobey hor fadhiya rag iyaguna xildoon ah, balse sida badan aan lahayn qorshe midaysan oo qaranku asaasi u yahay.

Waxaa lagu jiraa marxalad kala guur ah oo uu dalku ku jiro xaalad olole iyo doorasho, yeelkeede, waa in hal mid maanka lagu hayaa, waana in dalku aanu weli ahayn mid fadhiya sidaa darteed ay waajib tahay in aan xaaladda faraha laga bixin.

Soo jeedintani waxay khuseeynaysaa mid xil haya iyo mid doonaya intaba, waayo mas’uuliyaddu waa u wada taallaa oo haddii aanan xil haynin wixii aan doono ayaan samayn karaa ama ku hadli karaa waa khalad wayn, sidoo kale maadaama aan xilka hayo wixii aad doono ayaan maroorsan karaa oo waxba igama gelin cid kale iyaduna shaqayn mayso.

Marka sufahada yeelkeede, balse intii wax garanaysaa waxay eegaysaa sida uu qof kastaahi u dhaqmo, dadka laga cabbir qaadanayaana waa waxgaradka wax xeerinta doonaya ee ma aha wax ma garadka xigta doonaya ee hadba u heesaya qofkii fursad yar iyo san-dareerto siiya.

JOOJIYA – Waa in la joojiyaa hadallada qabyaaladaysan ee ay ku hadlayaan qaar ka mid ah rag weli xilal haya iyo kuwo doonaya intaba, sidoo kale waa in la joojiyaa fududaysiga arrintan iyo ka tala qaadadka ilmaha yar yar oo ay wax kastaahi la sahlan yihiin, arrintu haddii ay mar faraha ka baxdo waa dhib badnaanaysaa xakamaynteedu, marka yaanu qofna isku dayin inuu sameeyo wax aanu si fiican uga fikirin.

Maadaama sida muuqata uu hadda MW Farmaajo kaligii kusoo haray qorshihii lagu sameeyey Guddiga doodda dhaliyey oo aanu gacan ku haynin madaxdii labadii aqal waxaa muhim ah inuu tanaasulo oo garto in waxa la isku hayaa ay ka wayn yihiin doorasho loo qabto Maamul-goboleed sida ka muuqatey warkii aan laga fikirin ee Guuleed.

Qolyaha xilka doonayana waxaa khasab ku ah inay muujiyaan bisayl iyo turaale, isla markaana ay gartaan in sida ugu wanaagsan ee ay wax u dooni karaan ay tahay inay muujiyaan inay xalka qayb ka yihiine aysan xasarad ahayn, sidoo kale waa inay ogaadaan inay doonayaan xil qaran ee aysan doonayn xil qabiil, ninkii qabiil xil ka doonayaa ugaas ha isu sharroxo.

Jooji tillaabooyinka gurracan iyo qorshayaasha goobbada leh ee aad ku fikirayso inaad xilka ku gaari karto hadaadan haynin ama aad ku haysan karto haddii aad hadda ku fadhido kursiga karaahiyada badan ee Somalia.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media