Waxaa jirta hal mid oo aysan ku MURANSANAYN madaxda xilka haysa & musharrixiinta hadda u taagan (Ma taqaan?)

0

(Hadalsame) 23 Nof 2020 – Madaxda dalkeenu mid xilka haya iyo mid xilka doonayaba horta maxey mowduuca doorashada oo keliya ugu wada murmaan? Oo aan u arki weynay iyagoo isku heysta ama ku wada murmaya qodobadan sida:-

  1. Dhibaatada heysata dadka barakacayaasha ah,
  2. Wax ka qabashada nadaafadda iyo dhismaha wadooyinka dalka.
  3. Wax ka qabashada shaqo la’aanta dalka,& jiheynta dhalinyarada.
  4. La dagaalanka argagixisada iyo soo celinta Amniga,
  5. Ciidamada Amisom iyo Hey’adaha shisheeye waxa ay dalka ka qabtaan. Iyo sida looga maarmi karo.
  6. Waxbarashada,Caafimaadka, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
  7. Sidee dalkeenu ula dagaalami karaa faqriga iyo fara marnaanta.
  8. Sidee shacabkeenu ku heli karaan biyo nadiif ah,Koronto iyo isgaarsiin raqiis ah.
  9. Wax soo saarka dalka iyo horumarintiisa.
  10. Ka shaqeynta nabada iyo isfahamka bulshada.

Iyo qodobo kaloo badan oo maanta dadkeena iyo dalkeenu u baahan yahay oo aaney jirin Siyaasiyiin si dhab ah uga hadlaya oo aan ka daaleyn sida ay uga hadlaan ugana daaleyn har iyo habeen qodobka doorashada , weliba ay ugu bixinayaan dhaqaalaha faraha badan.

Mise siyaasiyiinta waxaa la arkaa markeey doorasho jirto oo keliya.maxaa loo waayay Siyaasiyiin kursi ku murmeysa mooyee, siyaasiyiin dan shacab iyo horumar ku murmeysa?

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media