Turkiga oo meel wanaagsan marsiinaya dhismaha wershaddoodii ugu horreeysey ee soo saarta tamarta nukliyeerka & goorta ay howlgeleyso

0

(Ankara) 23 Nof 2020 – Waxaa si wanaagsan u socota wershaddii ugu horreeysey ee soo saarta awoodda nukliyeerka oo ay Turkigu yeeshaan, iyadoo curiyaha 1-aad lagu wado inuu howlgalo 2023-ka, goortaasoo ku beegan 100-guurada Jamhuuriyadda casriga ah ee Turkiga, sida uu sheegay Agaasimaha dhismaha Akkuyu Nuclear A.Ş, Sergey Butskikh, oo u warramay Anadolu Agency (AA).

Wuxuu sheegay in dhismaha qaybaha kala duwan ee Akkuyu Nuclear Power Plant (NPP) ay dhinacyo badan ka socoto mar qura, iyadoo ay ka shaqaynayaan ilaa 700 oo qofood.

Waaxda 3-aad ee wershadda oo todobaadkii hore shatiga ogolaanshaha heshay, ayaa lagu wadaa in la bilaabo guga soo aaddan, sida uu sheegay Kirill Komarov, oo ah Agaasime Xigeenka shirkadda Rosatom.

Waxaa Turkiga wershaddan ka caawinaya Ruushka oo Turkiga heshiis kula galay Maajo 2010-kii, waxayna wershaddani marka la dhameeyo ay yeelan doontaa afar curiye tamareed (VVER-1200), kuwaasoo awood u yeelan doona inay soo saaraan awood koronto oo dhan 4,800 oo megawatts (MW).

Waxaa dhismeheeda la bilaabay 3-dii Abriil 2018-kii, waxaana ka qayb qaatay MW Recep Tayyip Erdoğan iyo dhiggiisa Ruushanka ee Vladimir Putin oo maqal iyo muuqaal uga qayb qaatay.

Hadalsame Media