Midowga Yurub oo ku dheggan Faransiiska (Arrin uu horseednimo ka sheegan jirey oo lagu haysto)

0

(Brussels) 23 Nof 2020 – Komishanka Midowga Yurub ayaa digniin u diray Faransiiska xilli ay dowladdu gacanta ku hayso xeer qabyo ah oo lagu xadidayo xorriyadda saxaafadda iyo midda madaniga ah, taasoo ay ka dhiidhisay warbaahinta dalkaasi.

“Komishanku kama hadlo xeer qabyo ah, balse waa hadal ma doonto in xilliyadan xasareed saxaafadda loo ogolaado inay shaqadeeda u gudato si nabdoon,” ayuu Christian Wigand oo Afhayeen u ah Komishanku u sheegay Agence France-Presse (AFP).

Xeerkan oo akhriskii koowaad Jimcihii ka gudbey, isla markaana akhriska 2-aad gelaya berri oo Talaado ah, ayaa Senet-ka u gudbaya si looga doodo kahor inta aan loo codaynin.

Xeerkan oo dhanka amaanka ah isla markaana ay hindiseen Xisbiga MW Emmanuel Macron ee La Republique En Marche (LREM) iyo xisbiga ologga la ah ee Agir, ayaa dembi ka dhigaya in ogolaansho la’aan la daaboco muuqaallada iyo sawirrada saraakiisha booliiska ee ku jira waajibka iyadoo ay khasab tahay in sawirrada mugdi ama shucaac la geliyo, si baa la yiri aan ”loo waxyeellayn qiyamkooda jireed iyo tan niyadeed”, iyadoo qofkii ku xad gudba lagu ganaaxayo adduun dhan 45,000 euro ($53,360) iyo sanad xabsi ah.

Yeelkeede, iskaashatooyinka saxaafadda ayaa sheegay inay arrintani ka dhigan tahay mid lagu cabburinayo madax bannaanida saxaafadda isla markaana lagu qarinayo tacadiyada ay booliisku gaystaan xilliyada qaar, sida dibad baxyadii ugu dambeeyey sida Yellow Vests iyo Extinction Rebellion.

Prof sharciga ka dhiga Jaamacadda Paris Nanterre, Thomas Hochmann, ayaa Al Jazeera u sheegay in xeerkani uu halis ku yahay “xorriyadda hadalka,”, halka warqaadka Le Monde uu qoray in xeerkani uu sii “sumayn doono” xiriirka booliiska iyo muwaadiniinta Faransiiska.

Waxaa yaab leh inay arrintani kusoo beegantay xilli uu Faransiisku aflagaaddooyin badan oo heer dowladeed gaarsiisan u gaystey Muslimiinta isagoo ku doodaya inay tahay ”xorriyad is muujineed.”

Hadalsame Media