”Cidna uma naxariisan doonno!” – Ciidanka Itoobiya oo kashifay xeesha ay ku qabsan rabaan Maqalla & dadwaynaha oo ay u digeen (Garoon casri ah oo la burburiyey)

0

(Addis Ababa) 23 Nof 2020 – Ciidanka Millateriga Itoobiya ayaa digniin u diraya dadka rayidka ah ee ku sugan caasimadda go’doonsan ee Gobolka Tigraay kuwaasoo loo sheegay inaysan jiri doonin “wax naxariis ah” haddii aysan “is badbaadin” kahor inta aan halkaa lagu qaadin weerarka ugu dambeeya, jeer ay ururrada xuquuqda aadmigu ka digayaan in lagu tunto Xeerka Caalamiga ah.

“Wixii hadda ka dambeeya dagaalku wuxuu noqon doonaa mid taangi,” ayuu yiri Gaashaanle Dejene Tsegaye oo ah Afhayeenka Ciidamada, isagoo sheegay inay u socdaan dhanka Maqalla oo ay ku hareerayn doonaan taangiyo.

“Dadkeenna Maqalla waxaan ogaysiinaynaa inay ka dhuuntaan duqaymaha madaafiicda culus.” ayuu ka digey, isagoo TPLF ku eedeeyey inay shacabka gabaad ka dhiganayaan, iyadoo ay magaaladaa ku nool yihiin qiyaastii nus-milyan qofi.

Dhanka kale, wararka ka imanaya magaalada qadiimiga ah ee Axum ayaa sheegaya in jabhadda Tigreegu ay burburisey Garoonkii casriga ahaa ee magaaladaasi kahor intaanay halkaa ka bixin.

Sawirro laga soo qaaday garoonka iyo dhabbaha dayuuraduhu ka haadaan ee Garoonkan oo ka mid ah kuwa ugu casrisan Itoobiya laguna dhisay lacag dhan 14 milyan oo doollar ayaa muujinaya in la qoday dhabbaha diyaaradaha iyadoo madaafiic lagu burburiyey dhismaha gegada.

Hadalsame Media