Booqasho qarsoodi ah oo uu RW Israel shalay ku tegey Sucuudiga oo kashifantay & sida lagu ogaadey

0

(Tel Aviv) 23 Nof 2020 – RW Israeli ee Benjamin Netanyahu ayaa la sheegayaa inuu booqasho qarsoodi ah ku tegey Sucuudiga Carbeed isagoo halkaa shalay kula kulmay Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman (MBS) iyo Wasiir Dibadeedka, Mike Pompeo, sida ay faafisay saxaafadda Israel.

Kulankii Axxadda, haddii la xaqiijiyo, wuxuu noqonayaa kulankii ugu horreeyey ee dhex mara madax sare oo Israel iyo Sucuudi ah, jeer uu Maraykanku dalalka Carbeed ku dirqinayo inay la heshiiyaan Israel, taasoo ah aragti ay iyada lafteedu ku cadaadinaso Maraykanka.

Idaacadda Dadwayne ee Kan iyo tan Ciidanka ee Army Radio ayaa maanta sheegtay in Madaxa Sirdoonka Mossad, Yossi Cohen, uu sidoo kale kulanka ka qayb galay, kaasoo ka dhacay magaalo xeebeedka Neom oo dhacda Badda Cas.

Xafiiska Netanyahu, Safaaradda Maraykanka ee Israel iyo xitaa Sucuudiga ayaan se weli arrintan ka hadal.

Yeelkeede, maalinlaha Haaretz, ayaa qoraya in raadadka raadaarku ay muujinayaan in RW Israel uu dayuurad khaas ah kaga dhoofay Tel Aviv isagoo ka degey Neom, halkaasoo ay ku sugayeen MBS iyo Pompeo oo uu kulan qarsoodi ah la qaatay, iyadoo ay webabka dayuuradaha raad gura ay muujinayaan inay halkaa fadhiyey qiyaastii 2 saacadood, kahor intii aanay saqdii dhexe kusoo laabanin Israel.

Haaretz wuxuu intaa raacshey, in dayuuradda gaarka ah ee Netanyahu ay tahay isla middii uu qaatay dhowr mar oo uu la kulmay MW Ruushanka ee Vladimir Putin.

Hadalsame Media