Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka dayrisay khilaafka taagan kuna baaqday in la xalliyo muranka Guddiga Doorashooyinka (Bayaan)

0

(Muqdisho) 23 Nof 2020 – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa qoraal rasmi ah oo ay kasoo saartay khilaafka ka aloosmey Guddiga Doorashada ee la magacaabay oo ay xitaa diiddan yihiin qaar ka mid ah madaxda sare ee DF, ayaa madaxda sare ee Madaxytooyada usoo jeediyey inay wax ka bedelaan sida ay wax ku wadaan.

Culimada ayaa qoraalkooda ku codsaday in la joojiyo khilaafka isla markaana loo turo dalka iyo dadka iyadoo laga hor tegayo wax kasta oo wiiqaya wanaagga, walaalnimada iyo wadajirka umadda.

“Waxaanu soo jeedineynaa in wixii khilaaf ah lagu xaliyo wadahadal, walaalnimo iyo isu tanaasul,” ayaa lagu yiri maanafeestada culimada kasoo baxay.

Waxay kale oo culimada ku baaqeen in la dhigo gogol lagu xallinayo khilaafka ka oogan Guddiyada Doorashada, isla markaana la hakiyo hadallada xanafta leh iyo wax kasta oo hurin kara colaad iyo cadaawad bulsho ee dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed iyo mid bulsho.

Hadalsame Media