”Waxaan qabsannay magaalada 2-aad ee ugu wayn Gobolka Tigraay” – RW Itoobiya oo ka hadlay xaaladdii ugu dambeeysey dagaalka

0

(Addis Ababa) 22 Nof 2020 – RW Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inay ciidankiisu qabsadeen magaalada 2-aad ee ugu ballaaran Gobolka Tigraay ee Adigrat isla markaana ay u ruqaansanayaan dhanka Mekele, oo ah caasimad goboleedka maamulkaa Tigreega.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in 9 qofood oo rayid ihi ay ku dhinteen duqaymo culus oo ay ciidamada DF Itoobiya ka gaysteen magaalada Adigrat.

Dagaalka lagu qaaday Gobolka Tigraay oo bilowday markii ay 4tii Nofeembar ay kooxda TPLF weerar ku qaadeen saldhig wayn ee woqooyo ee ay Ciidanka Millaterigu ku leeyihiin gobolkaas, ayaa waxaa ka dhashay dhibaato insaani ah iyo qaxooti u kala cararay deriska, sida Suudaan oo ay gaareen dad ka badan 30,000 oo qof.

Waxaa horay usoo baxayey warar sheegaya in Midowga Afrika uu ergo u dirayo Itoobiya si ay u dhex dhexaadiyaan labada dhinac, balse waxaa taa ganafka ku dhufatay DF Itoobiya.

“Warka wareegaya ee sheegaya in ay ergo imaanayso Itoobiya si ay u dhexdhexaadiyaan DF iyo dembiilayaasha TPLF waa been abuur” ayaa lagu qoray Twitter ku xiran xafiiska Abiy.

Hadalsame Media