Sucuudiga oo doonaya inuu wanaajiyo xiriirka kala dhexeeya Turkiga (Cidda tillaabada hore qaadday & waxa saacan kusoo beegay)

0

(Ankara) 22 Nof 2020 – MW Turkiga ee Rajab Tayyip Erdogan iyo Boqorka Sucuudiga ee Salman bin Abdulaziz ayaa mar ay telefoonka ku sheekaysteen isku raacay inay wanaajiyaan xiriirkooda isla markaana ay wada hadal ku dhameeyaan ismari waaga dhex yaalla, sida uu shalay xoghayaha madaxtooyada Turkigu.

Sidoo kale Wakaalad wareedka Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Boqor Salmaan uu isagu wacay Erdogan si uu ugala hadlo shirka G20 oo maalintii 2-aad socda kaasoo ay Sucuudigu gudoominayaan, waloow uu khadka oo qura yahay.

Sucuudiga iyo Turkiga oo isku haya siyaasadda dibedda, waxa laga yeelayo kooxaha Islaamiyiinta ah iwm, ayaa waxaa uu xiriirkoodu sii xumaaday markii Jamal Khashuuqjii lagu dhex qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul bishii Okt 2018-kii.

Sucuudiga ayaa bishii hore dabayaaqadeedii sidoo kale bilaabay inuu qaadaco badeecada Turkiga oo uu aad ugu tiirsan yahay.

“MW Erdogan iyo Boqor Salman waxay isku raaceen inay furaan hillinada wada hadalka si loo hagaajiyo xiriirka labada dal oo loo xalliyo xiisadda taagan.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.

Tillaabadan Sucuudiga ayaa imanaysa xilli uu sii baxayo Donald Trump oo dalalka Khaliijka qaarkood u riixayey dhanka Israel iyo inay la colloobaan Muslimiinta kale, waxaa kale oo ay tillaabadani muujinaysaa in Sucuudigu uu garaystay inuusan daba ordi karin Imaaraadka oo sanadihii dambe wadey siyaasad lid ku ah dunida Muslimka, iyagoo aad ugu kala fogaadey Dagaalka Yaman.

Hadalsame Media