Saxaafadda Kenya oo wax ka qortay siyaasi sheegay inuusan Farmaajo soo noqonayn & waxa uu ka yiri muran-badeedka labada dal

0

(Nairobi) 22 Nof 2020 – Mr Cabdixabiib Warsame, 44-jir, waa nin yaqaanna maadada Culuunta Siyaasadda, isagoo ka mid ah ragga doonaya inay ka qayb qaataan musharraxnimada doorashada soo aaddan, waxaana warkiisa hadal haysa saxaafadda Kenya.

Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi, balse ganacsi ku leh Maraykanka, ayaa ku dooday in Somalia ay u baahan tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah sida Kenya, taasoo uu ku tilmaamay muhiimaddiisa 1-aad haddii uu kusoo boxo doorashada la sugayo 8-da Febraayo 2021.

Md Warsame, oo dhowaan gal ah ayaa la hardamaya madax hore sida Madaxwaynayaal hore Hassan Sheikh Mohamoud iyo Sheikh Sharif Ahmed; RW hore Hassan Khaire, Wasiirkii Iskaashiga Abdirahman Abdishakur iyo MW Galmudug Abdikarim Guled, iyo qaar kale.

Daily Nation ayaa qoray in Md Warsame, oo ku dhashay Puntland, Somalia, uu daliishanayo taariikhda ah in aan abid dib loo dooranin Madaxwayne xil haya, sidaa darteed, ay fursadi u muuqato.

“Somalia uma baahna hoggaamiye ka caraysiiya Kenya ama xumeeya xiriirkeeda. Waxay u baahan tahay qof fahmi kara Kenya oo marar badan dhiig u daadisay sidii ay Somalia dunida ugu soo biiri lahayd,” ayuu ku dooday isagoo ka hadlaya Nairobi.

Warsame ayaa ka hadlay moowqifkiisa ku aaddan waxa laga yeelayo biyaha Somalia ee ay sheeganayso Kenya, taasoo iminka hor taalla Maxkamadda ICJ.

“Waxaan ahay nin aaminsan misna xushmeeya Xeerka Caalmiga ah. Aaanu ICJ u dhaafno inay go’aamiso murankaas.”  ayuu ku jawaabey.

Hadalsame Media