Dhaqan aad u LIITA oo sanadahan dambe kusoo kordhaya Soomaalida oo ay tahay in aad loo cambaareeyo

0

(Hadalsame) 22 Nof 2020 – Waxaa sanadihii dambe Soomaalida kusoo kordhayey dhaqamo sirgaxan oo kharribaya samaanta guud iyo jiritaanka bulshada, kuwaasoo dhinac kasta saameeyey; dhaqan, dhaqaale, siyaasad, bulsho, ganaci, diin iwm.

Maadaama aan mar qura laga wada hadli karin, bal aannu eegno mid halis wayn ku haya jiritaanka qoyska oo ah udub dhexaadka bulshada.

Waxaa horay aad Soomaalida ugu badnaa furrinka oo saamayn xun ku yeeshay ubadka soo koraya oo marka laga soo tago in raad xun ku reebayso waalidka hoggaanka u ah gurigooda ee ku dul murmaya, caaytamaya, dagaalaya, misna marka ay ugu dambayn kala tagaan ay ku imanayso mahadho waqti dheer daba soconaysa noloshooda, marka ay ku haraan gacanta waalid dhiliq ah oo ay kii kale kala tageen.

Yeelkeede, arrinta ugu xumi waa ifafaale hadda soo xoogaysanaya oo ah in la arkayo haween xaflado u dhiganaya in la furay. Waa yaabe muxuu yahay ujeedku? Laga yaabee inuu ka yahay ”i arkaay inaan markale garoob ahay ama aanan xaas lahayn”, waloow aynaan weli nin xaflad dhignaya, amaba ay gabadhu doonayso inay woxoogaa ku dhega hadasho ninkii ay kala tageen.

Ha yeeshee, waxaa meeshaas kasoo baxaysa jug taa ka daran, waana dhiirrigelin ay u samaynayso furriinka iyo burburka qoyska. Marka qoys la leeyahay wuxuu leeyahay qadaasad, qiyam iyo micne ka wayn afarta xaraf ee uu ka kooban yahay Soomaali ahaan.

”Nin iyo been been ka baxay” waa hees khiyaali ah. Xaalku se sidaa ma aha oo abid nin ka bixi maayo koowkabka haweenka, haweenkuna ka baxsan maayaan midka ragga waa sida laba kabood oo joof ah oo uu hal qofi u wada baahan yahay. Arka sida ay u jilan tahay nolosha warac geddisan ee reer Galbeedka oo ah tusaalaha ugu wanaagsan iyo natiijada laga dhaxlo qoys baaba’ay. Bal arka dhibka raggii iyo haweenkii qoyska iska diidey haysta. Ma kula tahay inay farxad iyo xorriyad (freedom) haystaan? Ma qiyaasi kartaa waxa diiqad iyo cudurro nafsaani ah haysta? Tan kale Hindidii iyo Eeshiyaankii annaga nooga soo horreeyey qurbaha ayaa weli ku dheggan dhaqankoodii maxaa keenaya in ay Soomaalidu dhexda ku sii lumayso?

Waa dhici kartaa in aadan arrintaa ku baraarugin marka aad weli yar tahay ee aad xooggan tahay oo aad geli karto safarro badan oo tacabur ah, balse maxaa dhici doona maalinta aad soo daciifto jir ahaan, balse aad kobacdo caqli ahaan? Soow muquuran ma doontid hirar waawayn oo shallaay ah?

Qoyska oo xumaada waxay keentaa qaranka oo xumaada, umadda oo anshaxii ka tagta, bulshada oo kala daadata, ubad faraqyo ah oo soo bata, ilmaha oo uu abaabku ka wareero iyo tan ugu daran oo ah inay iyaguna hadhoow u dhaqmaan sidii ay waalidkood ka dhaxleen oo ay berri qoys ku negaan waayaan.

Qoysku waa muhim balse waxaa la socota mas’uuliyad badan, xeerinta carruurta, xeerinta qoyska laftiisa, xeerinta xilka, xeerinta danta guud ee umadda iyo jiritaankeeda, haddii marka aan furriin iidheh u samayno, taasoo aan meelna kasoo gelin diinta Islaamka, waxaan sidoo kale iska indha tiraynaa muhiimadda jiritaanka qoyska.

Sidoo kale, waa in aan ka fikirnaa waxa ay ku dambayn karto gabadha la furay lafteedu, ma heshaa ”xornimada, qiimaynta, iyo nolosha macaan” ee ay la tahay in ay heleeyso marka la furo kaddib iyadoo ay dhici karto inay ilmo wadato oo ay sidaa ku dayacmaan?

Dabcan ka hadli mayno qofkii haysta sabab sax ah oo aan furriinka looga fursan karin, balse qofka fiicani marna uma dabbaal dego wax aan Ilaahayba jeclayn oo ah FURRIINKA. Dadka xafladaha dhiganaya oo qaar badan ay sidaa kula talinayaan kuwo aan hadhoow ka saari doonin waa inay caqliga ka shaqaysiiyaan.

Ugu dambayn, gabdhaha keenay aragtidan goysada ah ee halista ah ee aanay fahmi karin waxa ka ratibmaya waa in sida ugu adag loo naqdiyo, qofku kolleey abid heli maayo guur aan dulqaad u baahnayne, balse haddii ay xitaa qof kala tegayaan ma aha, ma mudna mana istaahilo marnaba in furriin xaflad loo dhigo dhaqan lagu faani karana ma aha. Marka waa in la joojiyaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media