Kooxda Lazio oo wadne kur kur kala kulantay safarkii koowaad ee dayuuradeeda cusub (Sidee wax u dheceen?)

0

(Roma) 22 Nof 2020 – Kooxda SS Lazio ayaa la timid dayuurad cusub oo ay kooxdu u adeegsanayso kulamada doolka ah, balse xaaladdu si wanaagsan uguma bilaabmin kooxda Biancocelesti iyadoo Crotone oo ka dhisan Calabria kasoo raacday dayuurad caadi ah.

Lazio ayaa Crotone u duushay iyadoo ku damaashaadaysa dayuuraddeeda cusub yeelkeede duullimaadka 1-aad ee dayuuraddan oo ah Boeing 737 waa mid la iska illoobo.

La Gazzetta dello Sport ayaa qoraya in jawiga oo xumaa magaalada Calabria uu si xun u saameeyey safarka Lazio ee Calabria.

“Waxaan ku nimid cabsi marka laga reebo [Igli] Tare, [Francesco] Acerbi iyo [Marco]Parolo,” ayuu yiri Ciro Immobile oo hadlayey kaddib ciyaartii Crotone.

“Parolo waa nin waalan waaba iska ciyaarayey sidii inuu wiifoow saaran yahay, balse markii aan degney waxaan waydiiyey sababta ay muuqaallo iskaga duubi waayeen, malaha laftoodu waa dhibanaayeen.” ayuu raaciyey.

Safarkii soo laabashada ayaa kasii darnaa.

Jawigii oo sii xumaaday dartii, garoonka Sant’Anna waa la xirey gebi ahaanba, taasoo keentay in Lazio ay bas ku tagto Lamezia Terme, iyadoo deeto dayuurad caadi ah u raacday Roma.

Hadalsame Media