DHEEL ISTARAATIJI AH: Turkiga oo ka faa’iidaystey khalad wayn oo ay Iiraan ka samaysay dagaalka Nagorno-Karabakh

0
BAKU, AZERBAIJAN - NOVEMBER 10: Azerbaijani people visit Alley of Martyrs, a cemetery and memorial dedicated to those killed by Soviet troops during the 1990 Black January, as they gather to celebrate the deal reached to halt fighting over the Nagorno-Karabakh region as the defeat of Armenia, in Baku, Azerbaijan on November 10, 2020. In a televised address, Azerbaijani President Ilham Aliyev announced the end of the Karabakh conflict between Baku and Yerevan with the new agreement. ( Resul Rehimov - Anadolu Agency )

(Hadalsame) 22 Nof 2020 – IIRAAN OO GOOL ISKA DHALISAY: saamaynteedi koofurta Qowqaasiya oo daciiftay Ma ahayn wax horay loogu yaqiin in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan si deg deg ah ku beddasho siyaasaddeeda arrimaha dibadda waaxba la oran karaa Iiraan waa dalka ugu cadcad ugu dag marka laga hadlayo dhoofinta saamaynteeda gobolka iyo tan arrimaha dibadda.

Balse taasi waxay isbeddashay intii uu socday dagaalkii dhawaantaan dhexmaray Armenia iyo Azerbaijan ee ka dhacay gobolka buuraleyda ah ee Nagorno-Karabakh. Bilowgii dagaalka Iiraan waxay si hoose u taageertay Armenia inkasta oo ay isu muujinaysay dhexdhexaad.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in Iiraan Armenia u dirtay 200 oo gaadiid culculus ee gaashaaman iyo qalab kale. Sidoo kale warar kale ayaa sheegay in Iiraan hub Ruushka laga keenay u daabbushay Armenia taas oo Tehraan beenisay. Waxa kale oo jira warbixinno sheegaya in Iiraan waddooyin u bannaysay boqollaal dagaalyahan oo Kurdiyiin ah kuwaas oo ah ka mid ah ururka PKK ee Turkigu argagixiso u aqoonsadeen kuwaas oo ku sii jeeday Nagorno-Karabakh si ay ciidanka Armenia uga barbar dagaallamaan.

Wararkaani waxay bannaanbaxyo ka abuureen gobolka waqooyi-bari ee Iiraan halkaas oo bulshada Azerigu ku xooggan yihiin. Dad badan ayaa loo xiray bannaanbaxyadaas. Wax yar ka hor dhammaadkii dagaalka ayna muuqata saansaanta in ciidanka Azerbaijan gacanta sare leeyihiin ayaa Iiraan bilowday in dib u gurato. Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Aayatullah Cali Khamanii ayaa aqoonsaday xaqa Azerbaijan u leedahay dhulka Nagorno-Karabakh eee Armenia haysato.

Ilaa markaasna Iiraan waxay soo dhawaysay wadahadallada nabadda labada dal u dhexmaray. Maxay Iiraan si deg deg isugu beddashay? Marka ay timaaddo koofurta Kowkaasiya taariikhiyan iyo juquraafiyanba Iiraan waxay ka mid ahayd awoodaha culus ee gobolka sida Ruushka iyo Turki.

Iiraan waxay dhexdexaadisay Armenia iyo Azerbaijan sannadkii 1992 ka hor inta aan wadahadalladaas burburin. Iiraan waxay ka duulaysay ammaankeeda qaranka maadaama leedahay bulsho ballaaran oo Azeri ah. Bulshada Azeri-gu waa afar dalool hal dalool dadka Iiraan waxaana la soo wariyay in uu jiro baraarug qowmi ah oo bulshada Azeriga Iiraan wadaan. Waxaa jirta kutirikuteen ah in Iiraan u taageertay Armenia si ay uga hortagto kacdoon kaga yimaada Azeriga Iiraan.

Waxa kale oo jira in Iiraan iyo Ruushka oo ah xulafo muhiim ah oo Armenia leedahay ay dano isu mid ah leeyihiin si la mid ah sida u wada taageeraan Asadka Suuriya. Sidaa oo kale labada dal, waa Iiraan iyo Ruushka’e ay si wadajir ah u doonayaan in ay taako u dhigaan saamaynta Maraykanka iyo Turkiga ee gobolka.

Markii ciidan Azerbaijan qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Shuusha ayna qarka u saaran yihiin in ay gacanta ku dhigaan dhulka kale ee Nagorno-Karabakh ee Armenia haysato, Iiraan waxay ku baraarugtay in istaraatijiyadeedu ay khaldanayd ayna garabsiinaysay dhinac guuldarraysanaya.

La soco qayb kale….

Faalladaan waxaa qoray Maxamad Xuseen waxayna ku soo baxday mareegta Middle East monitor.

Waxaa Tarjumay: Cali M. Diini

Hadalsame Media