”Imaaraadku wuxuu hubkeenna usii gudbiyaa kooxo xag-jir ah” – Maraykanka oo diiddan in UAE laga iibiyo F-35

0

(Washington, DC) 21 Nof 2020 – Senatarka Dimoqraadiga, Chris Murphy, ayaa ku dooday in Imaaraadku ay had iyo goorba hubka uu Maraykanku ka iibiyo ay usii gudbiyaan malliishiyaadka xag-jirka ah.

“Imaaraadku waa olog, balse kama dhuuman karno in Imaaraadku ay leeyihiin taariikh ah inay hubkeenna u gudbiyaan malliishiyaad xag-jir ah, isla markaana ay dalalka Libya iyo Yaman kula tunteen Xeerka Caalamiga ah.” ayuu yiri Senatar Murphy oo Twitter adeegsanaya.

Arbacadii, Senatar Robert Menendez oo laga doorto New Jersey, oo ka mid ah Guddiga Xiriirka Caalamiga ah, oo ay wehliyaan Senatarrada, Chris Murphy iyo Rand Paul, ayaa keenay hindise Maamulka Donald Trump ka hor istaagaya inuu UAE ka iibiyo hub ku fadhiya $23 bilyan oo doollar, sida uu qoray Politico.

Waxaa heshiiskan ka mid ah 50 xabbo oo dayuuradaha F-35 ah, kayd gantaalo ah iyo 18 daroon oo casri ah.

Hadalsame Media