Israel & Midowga Yurub oo dhisaya khad tareen oo ku xirmaya dalalka Khaliijka

0

(Hadalsame) 21 Nof 2020 – Israel iyo Midowga Yurub (EU) ayaa bilaabay wada xaajood dhanka iskaashiga dhaqaalaha ah iyagoo isla egay fursad lagu abuuri karo khad tareen oo isku xira Bariga Badda Dhexe iyo dalalka Khaliijka, sida ay sheegeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee Israel.

Waxaa laga niqaashay abuurista “khadkii tareen ee nabadda” si sare loogu qaado dhaqaalayowga Israel, Jordan, iyo Maamulka Falastiin, Saudi Arabia iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Bankiga Dhexe ee Israel ayaa sheegay in khadkan cusubi uu yahay mid ka “gaaban, ka dhaqse badan, ka rakhiisan kana badbaado badan” hababka haatan la iskula xiro galbeedka iyo bariga, balse ma bixin xog intaa dhaafsiisan.

Wada xaajoodkan ayaa imanaya jeer ay Israel ay dhowaantan heshiis la gashay dalal Khaliijka ah sida Baxrayn iyo Imaaraadka.

Hadalsame Media