Wiil 18-bil jir ah oo haftey kuna dhintay doonida qubayska (Hooyadii oo samaysay arrin ay hooyooyin badani sameeyaan balse halis ah)

0

(Shaariqa) 20 Nof 2020 – Ilmo yar oo 18-bilood jir ah ayaa ku haftey dooni yar oo kuwa qubayska ah magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka, xilli ay hooyadii u qubaynaysey, isagoo aan naf la gaarin Isbitaalka Al Qasimi Hospital oo loola cararay, sida ay booliisku sheegeen.

Dhibkan ayaa ka dhacay gurigooda oo ku yaalla agagaarka Al Majaz, sida uu sheegay Booliiska maxalliga ah ee Shaariqa.

“Hooyadu waxay doontay shukumaan, markii ay soo noqotayna waxay u timid cunuggii oo biyaha ku sibxaday,” ayuu yiri Booliiska oo haatan wada baaritaanno dheeraad ah, iyadoo su’aalo la waydiinayo xubnaha qoyska oo la sheegay inay indha yar yihiin.

Kiiska ayaa waxaa gacanta loo geliyey Dacwad Oogaha Guud ee Dadwaynaha, si loo sii qodo duruufaha ku hareereysan shilka dhacay ee uu ku dhintay wiilka yari.

Hadalsame Media