Magaalo Maraykanka ku taalla oo aan wax qorrax ah arki doonin muddo 60-maalmood ah

0

(Utqiagvik) 20 Nof 2020 – Magaalo ku taalla Gobolka Alaska ee dalka Maraykanka ayay qorraxda is macasalaameeyeen shalaytoole, taasoo ka maqnaan doonta muddo 2 bilood ku dhan.

Qorraxda ayaa shalay galab ka dhacday magaalada Utqiagvik, Alaska, taasoo horay loo oran jirey Barrow, waxayna qorrax la’aan ahaan doontaa 60 maalmood.

Magaaladan yar oo ku taalla woqooyiga cirif-qaboobaha Arctic Circle ayaa gashay marxaladdii sanadlaha ahayd ee mugdiga, taasoo loo yaqaan habeen-cirif.

“Habeen-cirifku waa ifafaale caadi ah oo jiilaal kasta ka dhaca Barrow (Utqiagvik), iyo magaalo kasta oo ku taalla Meertada Arctic circle,” ayuu yiri ninka CNN ugu qaybsan saadaasha hawada ee Allison Chinchar.

Ifafaalahan ayaa dhaca marka uu dhulku liico isagoo ku wareegaya dhidibkiisa, markaasoo ay qarsoomayso qorraxdii ka muuqan lahayd ili-miriqa, balse taasi kama dhigna inay maalinta oo dhami mugdi ahaanayso. Inta badan saacadaha maalmeed waxay gelayaan marxalad loo yaqaan fiid-cowl, sida uu sheegay Chinchar.

Dadka deggan Utqiagvik, ayaa sidoo kale xagaaga waxay galaan marxalad loo yaqaan ”qorraxda saqda dhexe”, ama maalin-cirif, taasoo ka dhigan in qorraxdu aanay marna dhicin 24-ka saacadood.

Hadalsame Media