Daawo tawaangida Azerbaijan oo 27 sano kaddib geleeysa Degmada Aghdam

0

(Aghdam) 20 Nof 2020 – Ciidamada Azerbaijan ayaa galay Degmada Aghdam ee gobolka Nagorno-Karabakh kaddib 27 sanadood oo ay haysteen ciidanka Armenia, sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Ciidamada Armenia ayaa haystey 77% ka mid ah degmadaasi tan iyo 1993-kii, iyagoo xoog ku barakiciyey 200,000 oo Azerbaijani ah.

Armenia ayaa sidoo kale ka bixi doonta Degmada Kalbajar oo iyaduna ka tirsan Nagorno-Karabakh Nof. 25, halka ay Degmada Lachin ka baxayso Dis. 1. Waxaa la arkayey dadka Armenian-ka ahaa oo halkaa gawaari uga qaxaya Khamiistii shalay oo ahayd maalintii ugu dambeeysey halkaasi.

Labada dal oo ilaa horraantii 90-meeyadii halkan isku hayey ayaa dib dagaal uga dhex qarxey 27-kii Sebt. Baku ayaa se xoraysatay 5 magaalo oo waawayn, afar dhexaad ah iyo 286 tuulo, kahor intaanay 10-kii Nof. heshiis ku gaarin dalka Ruushka, iyadoo ay Armenia oo garowsatay in aysan u babac dhigi karin awoodda Azeri-gu ay go’aansadeen inay ka baxaan dhulka ku harsan.

Hadalsame Media