”Waan ku daaley inaan noqdo dhibka wax kasta” – Messi oo afka furtay isla markaana ka hadlay sida ay ula dhaqmeen saraakiisha canshuuruhu

0

(Barcelona) 18 Nof 2020 – Leo Messi oo xagaagii oo la sheegay inuu baxayo kaddib aamusay waloow ay is wada casileen dhamaanba maamulka Barca oo ka bilowda MW hore, Josep Maria Bartomeu, ayaa afka furtay isagoo muujiyey in xaalku uu ka fog yahay mid xallismay.

Weriyaha ayaa hadlay mar uu dayuurad khaas ah ku yimid gegada dayuuradaha ee Barcelona El Prat Airport, jeer uu kasoo noqday ciyaaraha Xulka Argentina.

Messi ayaa jawaab la yaab leh ka bixiyey mar la waydiiyey hadal uu ka sheegay wakiilkii hore ee Antoine Griezmann oo yiri: “Antoine wuxuu tegey uu wax kasta isha ku hayo. Waa boqor iyo amiir mana jeclayn imaanshiyaha Antoine.” ayuu yiri Eric Olhats oo la hadlay France Football, isagoo sheegay in Messi uu dadkii u kala saaray saaxiib iyo cadow.

”Waan ku daaley inaan noqdo dhibaatada wax kasta.” ayuu warkan uga jawaabey Messi oo la hadlayey weriyeyaal badan oo garoonka joogey.

“Waxaa dheer,” ayuu sii daba dhigay isaga oo warkiisa kulul sii wata. ”Kaddib 15 saacadood oo duullimaad ah, waxaan halkan ugu imid saraakiil ka tirsan Waaxda Canshuuraha Spain oo i baaray.” ayuu daba dhigay Messi oo kaddib gaarigiisa ku dhacay kana dhaqaajiyey garoonka El Prat.

Warkan ayaa muujinaya inay aad hadda ugu badan tahay inuu Messi iskaga tago Barca fasalkan kaddib.

Hadalsame Media