Imaaraadka oo fiisaha si KMG ah uga joojiyey Somalia & 11 kale (Soomaalida weli tegi karta)

0

(Abuu Dabeey) 19 Nof 2020 – Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay in uu si KMG ah u hakinayo soo saarista fiisaha ay dalkooda ku iman karaan dalalka Somalia iyo 11 kale, sida kasoo baxday WAD dalkaasi.

Dalalka kale waxay kala yihiin Kenya, Iran, Turkey, Yemen, Syria, Iraq, Pakistan, Libya iyo Afghanistan iyadoo aan la sheegin sababta dalalkan lagu haysto.

Yeelkeede, waxaa la hadal hayaa inuu sidaa u yeelayo soo laba kaclaynta mowjadda 2-aad ee COVID-19.

Hakadkani ma saamayn doono fiisayaasha horay loosoo saaray.

Imaaraadka ayaa Arbacadii oo qura sheegay inuu helay 1,292 kiis oo COVID-19 iyadoo ay dhinteen 4 qofood, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadku sheegtay kiisaska guudi ay yihiin 154,101 dhimashada guudna 542 qof.

Hadalsame Media