DF Somalia oo beenisey war horay loo sheegay inay ku taageertay Itoobiya (Hal arrin oo shaki ku jiro)

0

(Muqdisho) 18 Nof 2020 – Wasiir Dibadeedka DF Somalia, Axmed Ciise Cawad, ayaa beeniyey war horay usoo baxay oo sheegayey in DF ay taageero u muujisay dhiggeeda Itoobiya oo dagaal mindhicireed kula jirta Maamul-goboleedka Tigraay oo ku fallaagoobey.

Md Cawad, Wasiirka Arr. Gudaha, ayaa Twitter-kiisa rasmiga ah kusoo qoray in aanu warkaasi iyaga u dhahnayn.

”Waxaannu halkan ku sharraxaynaa warka la sheegay inuu kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Somalia ee ku saabsan xaaladda Itoobiya,” ayuu ku bilaabay.

”War Saxaafadeedka wareegaalaysanayaa kama tarjumayo aragtida DF Somalia, sidaa darteed, mid jira ma aha.” ayuu daba dhigay.

Jabuuti ayaa horay u noqotay dowladdii ugu horreeysey ee gobolka ah ee taageerta dagaalka ay DF itoobiya ku qaadday Gobolka Tigraay.

Lama se oga in uu warka kasoo baxay DF Somalia uu sax yahay balse la isku khilaafsan yahay iyo inuu kan hore been abuur u ahaa sida uu Wasiiirku sheegayo, waloow warkii hore lasoo dhigay isla bogga Wasaaradda taasoo jahawareer muujinaysa.

Hadalsame Media