Dal Muslim ah oo noqday midkii 4-aad ee si rasmi ah u dalbada tallaalka Covid-19 (Somalia yaa u maqan?)

0

(Hadalsame) 18 Nof 2020 – Turkey ayaa kusoo biiray dalalka wada xaajoodka kula jira hay’adda Pfizer si ay uga iibsadaan malaayiin kuuro oo ah tallaalka coronavirus bisha soo aaddan ee Diseembar iyo 25 milyan oo dheeraad ah 2021, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka Fahrettin Koca oo hadlay.

Pfizer Inc. ayaa Isniintii ku celisey in tallaalkeedu uu 90% guulaystey marka ay timaado ka hor tagga cudurka COVID-19, taasoo ah guul wayn oo usoo hoyatey caalamka oo uu cudurkani dhulka dhigay isla markaana uu ka diley 1 milyan oo qof.

Pfizer iyo jaalkeeda Jarmanka ah ee BioNTech SE ayaa ah sharikadihii ugu horreeyey ee guul ka sheegta dedaalka loogu jiro samaynta tallaal lagula tacaalo caabuq sidahan haatan dunida haysta muddo sanad ku dhan.

BioNTech waxaa sameeyey lamaane asal Turkish oo Jarmanka deggan, iyadoo uu wiilka oday ka shaqayn jirey wershadda Ford ee Cologne, Uğur Şahin uu shirkadda la aasaasay xaaskiisa Özlem Türeci.

Pfizer iyo BioNTech ayaa heshiisyo qaali ah kula jira dowlado iyo ururro waawayn, tusaale, DF Maraykanka ayaa $1.95 bilyan oo doollar uga dalbatay 100 milyan oo kuuro bilowgii sanadkan.

Waxay kale oo ay heshiis kula jiraan Midowga Yurub, UK, Canada iyo Japan. Halka Afrika oo ay Somalia ka mid tahay, kursi maranna isku haysata aanay cidina u maqnayn ceelna u qodnayn.

Hadalsame Media