Trump oo u dhaqmaya sida hoggaamiye kali talis ah oo Afrika xukumaya (Maareeyihii Amaan Danabeedka oo uu eryey)

0
FILE PHOTO - U.S. Department of Homeland Security Under Secretary Chris Krebs speaks to reporters at the DHS Election Operations Center and National Cybersecurity and Communications Integration Center (NCCIC) in Arlington, Virginia, U.S. November 6, 2018. REUTERS/Jonathan Ernst/File Photo

(Washington, DC) 18 Nof 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa eryey Madaxii DF Maraykanka ugu qaybsanaa ka ilaalinta doorashada Maraykanka in lagu soo qaado weerar danabeed sidii dhacday 2016-kii.

Trump oo sidii lagu yaqaanney Twitter adeegsanaya ayaa Christopher Krebs, oo ah Maareeyaha Amaan Danabeedka iyo Kaabayaasha ee Cybersecurity and Infrastructure Security Agency (CISA), ku eedeeyey inuu soo saaray “war aad u khaldan” kaddib markii uu sheegay in doorashada Maraykanku si saaxi ah u qabsoontay.

Krebs ayaa loo dhiibey hay’addan CISA, oo iyada dhanba la sameeyey kaddib doorashadii 2016-kii oo Ruushka lagu eedeeyey inuu faragelin caqliyaysan uga sameeyey dhanka internet-ka.

Waxaana aad u wada amaanay Xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga marka ay timaado sida uu u ilaaliyey doorashada Maraykanka oo si deggan ku dhamaatay iyada oo aan la jabsan, sida ay sheegeen.

Krebs ayaa dhowr mar maalmihii tegey beeniyey warka MW Trump ee ahaa in doorashada la musuqay, isagoo Talaadadii soo xigtey 59 khabiir oo yaqaanna amaanka doorashooyinka oo sheegay inaysan jirin caddayn ku filan in doorashada la musuqay.

Trump ayaa deeto Twitter kusoo qoray: “Si dhaqse ah ayay u dhaqan geleysaa, cayrinta Chris Krebs oo ahaa Maareeyihii CISA.”

Krebs, oo Twitter kusoo jawaabey ayaa soo qoray: “Sharaf bay ii tahay inaan dalka u adeego. Sidii saxda ahayd ayaan yeelnay. Maanta difaac si ay berri amaan u ahaato.” Wuxuu ku xirey halku dheggii “Protect 2020,” oo ay hay’addiisu adeegsanaysey sanadkan.

Trump oo horay u eryey Wasiirkii Gaashaandhigga, ayaa haddii sida Afrika ay hay’aduhu ahaan lahaayeen wax u eg shirkado uu Madaxwaynuhu leeyahay mar hore wax kasta ku shuban lahaa sida ka muuqata hab-dhaqankiisa, balse Maraykanku wuxuu leeyahay isla xisaabtan kala madax bannaan.

Hadalsame Media