FIFA oo diyaarinaysa VAR ka ”sahlan” kii hore oo meelaha qaar otomaatig ka ah

0

(Zurich) 18 Nof 2020 – Waxaa haatan qarka loo saaran yahay in hobseedka gebi ahaanba qaab otomaatic ah loo go’aamiyo hadda kaddib iyada oo la adeegsanayo tiknolojiyadda VAR oo lasii kacaamiyey, si ka duwan laymanka hadda la isticmaalo ee lagu raadiyo xaqiijinta dhinac baxa.

Muranka hobseedyada ayaa weli si saaxi ah loogu dhamayn kari la’yahay aaladda VAR, iyadoo ay dheceen kiisas badan oo lala yaabay oo ka dhacay horyaallada waawayn ee Yurub.

Gaar ahaan waxaa ugu sii darnaa horyaallada Premier League, La Liga iyo Bundesliga, balse hadda waxaa jira ilaa 3 sharikadood oo ka shaqaynaya sidii arrintaa loogu heli lahaa xal kama dambayn ah.

Sida ay FIFA sheegtay waxaa shirkadahan la siinayaa xogaha kumanaan kiis oo hobseed ah, waxaana iyaga oo adeegsanaya hannaan xisaabeedka algorithm, ay go’aamin doonaan hobseed aan biyo days lahayn.

FIFA ayaa sidoo kale doonaysa in marka tan la xalliyo sidoo kale laga shaqeeyo aragtida ”VAR sahlan”, si loogu adeegsado dhamaanba dhinacyada kale ee ciyaarta.

Hadalsame Media