”Waxaan doonaynaa in nabad lagu cibaadaysto!” – Muslim Pro oo furka ku xooray shirkad xogtooda ka iibisey Ciidanka Maraykanka

0

(Hadalsame) 18 Nof 2020 – Maamulka App-ka Muslim Pro, ayaa Middle East Eye u sheegay inay xiriirkii u jareen shirkad adeegga app-kooda kasii iibisey Millateriga Maraykanka.

App-kan oo lagu tilmaamo ”midka ugu caansan dunida Muslimka”, ayaa waxaa degsadey dad kor u dhaafaya 95 milyan oo 200 oo dal oo caalamka  ah ku kala firirsan, sida ku cad webkooda.

Wuxuu app-kani Muslimiinta u qabtaa adeegyo ay ka mid yihiin ogaanshiyaha xilliyada salaadda, jihada qiblada Maka, isagoo laga dhegeysan karo Qur’aan duuban iyo ducooyin kala duwan.

Yeelkeede, Motherboard, oo ay leedahay Vice Media, ayaa Isniintii kashiftay in Muslim Pro uu xogta qofka ka iibiyo to X-Mode, taasoo kasii gadda qandaraasleey 3-aad oo kasii iibiyey Ciidanka Cirka Maraykanka iwm.

”Waxaannu si dhaqse ah u fasaqaynaa qandaraaska aannu kula jirno jaalalka xogeen, kuwaasoo ay ku jirto X-Mode, oo shaqada bilowday 4 todobaad kahor.” ayuu yiri Zahariah Jupary, oo u hadlay Muslim Pro.

“Waxaannu qaadaynaa dhamaanba tillaabooyinka loo baahan yahay si aannu hubaal uga dhigno in dadka na adeegsadaa ay si nabdoon ku cibaadaystaan, taasoo ah ujeedka qura ee loo abuuray Muslim Pro.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media